“Intii Kulmiye Ku Mashquulsanaa Borobagaandada Iyo Baahinta Sawirada Beenta Ah, Anaguna Waxaanu Ku Mashquulsanayn Qancinta Xildhibaanadii Noo Codayn Lahaa”Hogaamiye Xirsi, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Intii Kulmiye Ku Mashquulsanaa Borobagaandada Iyo Baahinta Sawirada Beenta Ah, Anaguna Waxaanu Ku Mashquulsanayn Qancinta Xildhibaanadii Noo Codayn Lahaa”Hogaamiye Xirsi,
August 3, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka dareen celiyay guushii isbahaysiga ee hanashada shir gudoonka golaha wakiilada ayaa sheegay in intii xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu ku mashquulsanaayeen baahida sawirada xildhibaanada taabacsan iyo borobagaandaha baraha bulshada ay iyaguna ku mashquulsanaayeen qancinta xildhibaanadii ucodaynlahaa ee hor seeday guusha ay maanta ka gaadheen doorashadii shir gudoonka golaha wakiilada.

Sidoo kale Hogaamiye xirsi ayaa bogaadiyay shir gudoonka loo doortay golaha cusub ee wakiilada Somaliland.

Hogaamiye xirsi ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Intii Kulmiye ku mashquulsanaa borobagaandada baraha bulshada ee ay ku baahinayaan sawirada beenta ah, anaguna waxaanu ku mashquulsanayn qancinta xildhibaanadii noo codayn lahaa, taasaa saldhig u ahayd in Isbahaysiga labada xisbi Mucaarad ku guulaystaan Shirgudoonka. Hambalyo saaxiibaday oo loo doortay :

  1. C/risaaq Khaliif Axmed-Gudoomiye
  2. Siciid Mire Giire – Gudoomiye Xigeenka 1aad.
  3. Cali Xaamud Jibriil – Gudoomiye Xigeenka Labaad.

Allah SWT ha idiin fududeeyo xilka la idiin igmaday.

 

COMMENTS
LINKS