“Haddii Aan Nahay Reer Somaliland Waynu Ka Gudubnay Ku Shaqaysiga Qabyaalada Kaliya..”Siyaasi Abiib Xasan Fil Fil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Haddii Aan Nahay Reer Somaliland Waynu Ka Gudubnay Ku Shaqaysiga Qabyaalada Kaliya..”Siyaasi Abiib Xasan Fil Fil.
August 26, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirkii Hore Ee Wasaarada ganacsiga ee Xukuumadii daahir riyaale siyaasi abiib xasan fil fil ayaa hadlay Marxaladihii ay Somaliland soo martay iyo halka ay hada Marayso.

Sidoo kale siyaasi Abiib Xasan Fil fil ayaa sheegay in umada Somaliland ka gudubtay ku shaqaysiga qabaalada xukuumada Iyo xisbiga kulmiyena looga baahan yahay in la yimadaan himilo iyo hiigsi fog oo aanay ku mashquulin muranka asxaabta iyo iyo bulshada dhaliilaha ay usoo jeedinyaan.

Siyaasi Abiib Xasan Filfil ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Ummada Reer Somaliland Ee Go’aansatay Jamhuuriyadda Somliland Gooni isu Tageeda, Gaar ahaan Beesha Dhexe oo ah Beesha iyadu Kursiga ugu Sareeya ee Dalka laga xukumo ama Laga hogaamiyo ku tartama waxaan leeyahay dabaylaha Siyaasadeed ee hadda socdaa ma Afiicana, qabyaaladuna Abwaan Cabdilaahi Suldaan (tima cade ayaa sheegay oo yidhi Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane).markaasi waa In laga xishoodo:-

-Go’aankii 1991kii ee shirkii Burco.

-beelihii Darifyada ee soo  jeedintii Gooni isu Taaga Somaliland sida buuxda u Aqbalay haddana aan qabyaalad laga maqal.

-Haddii aan nahay Somaliland waan ka gudubnay ku shaqaysiga qabyaalada kaliya nasabka aan ku ilaashanaa, waxanan soo qabsanay wax badan oo San Afrika iyo Adduunka badhkii kaga horeyno.

-Axsaabta Siyaasada ee qaranka waxan ugu fadhinaa Barnaamj cad oo Qiyam leh, oo sadexda Gudoomiye ee beel ka soo wada jeeda ilma adeernimadoodu any wax u dhimin barnaamjka siyaasadeed iyo higsigooga hogaamineed ee kursi doonnimada ah.

-Xisbul xaakimkana iyo xukumada markaasi joogtana waxaa looga baahan yahay, Hanweyni iyo Hiigsi fog oo ka wada sareeya, moranka siyaasiga ee axsaabta dhexdeed iyo ta shacabkaba,

-Waxa kale oo laga rabaa xisbiga tallada dalka haya iyo xukumadiisu in aanu u ekaan mid la mormaysa axsaabta macaaridka ah iyo dadka shacbiga ah ee dawladooda dhaliilaya ee waa in a ahaadan hagayaal iyo toosiyiyaal shacbiga iyo axsaabta macaaridka ah ii dhalilaha soo jeedanaya.

 

COMMENTS
LINKS