Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Somaliya Oo Muqdisho Ku Geeriyooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Somaliya Oo Muqdisho Ku Geeriyooday
August 13, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)- Guddoomiyihii guddiga xallinta Khilaafaadka ee doorashada C/llaahi Abyan Nuur ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho.

Wararka Laga helayo geerida guddoomiyihii Gudida xalinta khilaafka doorashooyinka somaliya ayaa sheegaya in uu u geeriyooday marxuumku cudurka Coronavirus oo haleelay iyadoo  maalmahaan kusoo labo kacleeyay dalka somaliya

Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay u jiifay cudurka Covid19 sida ay inoo xaqiijiyeen xubno katirsan guddiga doorashada heer federal.

Cudurka Covid19 ayaa sameeyay soo labo kaclayntii saddexaad, waxaana wasaaradda caafimaadku sheegtay in dalku wajihi karo marxalad degdeg ah.

In ka badan 800 oo qof ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday cudurka Covid19, tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay laga helay Soomaaliya march 2020.

COMMENTS
LINKS