“Diinta Dawlada Ayaa Masuulka Ah, Maaha In Qof Aan Maskax Ahaan Caadi Ahayn Uu Facebookga Kusoo Qoro Abaaro Ayaa Dadka Lagu Gaalaynayaa” Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Diinta Dawlada Ayaa Masuulka Ah, Maaha In Qof Aan Maskax Ahaan Caadi Ahayn Uu Facebookga Kusoo Qoro Abaaro Ayaa Dadka Lagu Gaalaynayaa” Madaxwayne Biixi.
August 16, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha oo khudbad maanta ka jeediyay qalin jabinta jaamacada Barwaaqo ayaa ka hadlay wararka been abuurka ee laga faafiyo dugsiga Abaarso kuwasi oo ay fidiyaan dad kusoo qabanaya diinta islaamka ayaa sheegay in aan dadkaasi laga yeeli doonin in goobaha muhiimka ah fowdeeyaan dawladuna ay masuul ka tahay diinta,

“Somaliland haddaynu nahay  waxaynu u baanahay in mashaakilka ina haysta qaarkood isla fahano, waxaa had iyo jeer lagu murmaa Iskuulka Abaarso iyo Jaamacadiisa Barwaaqo, dad badan oo aan fahamsanayn ama aan Jibbadooda dersin waxa ka socda ama u cadow ah  Islaamka ayaa waxay ka fidiyaan warar aanay hubin waxa ay yihiin, taasi waxay igu keliftay inaan taggo Dugsiga Abaarso oo shaqaynaya annigoo keligay ah oo aan ciddina ila socon oo gaadhi yar wata si aan u oggaado waxa ka socda, waxaanan soo taabtay in iskuulkaasi ay ka socdaan wax qarankeenu u baahan yahay Islaamku u baahan yahay”.

Sidoo kale madaxweynaha uu yidhi “Waxaynu u baahanahay inaynu aqoonta qaadano, waxaynu u baahanahay inaynaan noqon dad fuleyaal ah oo haddii ay cidd murmaanba iyaga laga adkaanayo inaynaan baqqe ka dhigin caruurteena ninka ay murmaanba inuu duufsanaay, Soomaaliduna waa ku adag tahay diinteeda”.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS