Dawlada Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Taliye Sare Oo Ka Tirsan Ciidammada Dalka Eritrea. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Taliye Sare Oo Ka Tirsan Ciidammada Dalka Eritrea.
August 24, 2021 - Written by Editor:

Eritrea(W,N)-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiye sare oo ka tirsan millatariga Eritrea kadib markii uu ku kacay xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii uu socday dagaalka ka socda Tigray.

Hanti-dhowrka Mareykanka ayaa ku eedeeyay ciidammada ka amar qaata General Filipos Woldeyohannes oo ah Taliyaha Ciidanka Difaaca Eritrea (EDF) inay geysteen xasuuq dhac iyo xadgudubyo galmo.

“Cunaqabatayntaas awgeed, dhammaan hantida uu leeyahay Gen Woldeyohannes waa la xannibayaa, ganacsi kasta oo ay ku leeyihiin Mareykankana waa mamnuuc.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Hantidhowraha Maraykanka.

Bayaan uu soo saaray agaasimaha xafiiska xakamaynta hantida shisheeye Andrea Gacki, ayaa ugu baaqay Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya, wuxuuna ku boorriyay dhammaan dadka ku lugta leh colaadda inay bilaabaan wadahadallo nabadeed.

“Waaxda Maaliyaddu waxay sii wadi doontaa inay tallaabo ka qaaddo kuwa ku lugta leh xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto gobolka Tigray ee Itoobiya,” ayay tidhi Andrea Gacki, oo ah agaasimaha Xafiiska Waaxda Hantida Dibadda ee waaxda.

Hase yeeshee Dowlada Eritrea ayaa si carro leh u diiday go’aanka iyo eedeymaha loo soo jeediyay.

“Dowladda Eritrea waxay diidday, warqad ahaan iyo ruux ahaanba, eedeymaha gabi ahaanba aan sal iyo raad -lahayn ee loo soo jeediyay,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea.

“Marka la eego eedeymaha soo noqnoqda ee aan loo meel dayin, Eritrea ma aamusin karto. Xaaladaha jira, Eritrea waxay ugu baaqaysaa Maamulka Mareykanka inay kiiska u keenaan garsoore madaxbannaan haddii ay dhab ahaantii hayso xaqiiqo ay ku caddeynayso eedeymaha beenta ah.”ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dowlada Eritrea oo saaxib la ah dowlada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay ciidamo geysey gobolka Tigrey halkaas oo ay gabood falo ka geysteen.

COMMENTS
LINKS