Dawlada Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday In Ay Awood Milatari Ku Caabiyayso Jabhada Tplf! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday In Ay Awood Milatari Ku Caabiyayso Jabhada Tplf!
August 7, 2021 - Written by Editor:

ADIS(W,N)-Dawlada fadaraalka ee itoobiya ayaa ku dhawaaqay In Ay weerar milatari ku qaaday gobolka tigrey jabhada TPLF Oo Iyadu dagaal kula jirta dawlada weerarna ku hayso dhulka axmaarada.

Sidoo kale dawlada uu hogaamiye raysal wasaare abiye ahmed ayaa diyaarinaysa in ay markale awood ciidan ku qabsado gobolka tigrey iyadoo mudooyinkii udanbeeyay ururinaysa ciidamo laga soo daabulay ismaamulada kililada itoobiya ee taabacsan xukuumada raysalwasaaraha itoobiya

Dhanka kale dawlada itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo udhexeeya dawlada fadaraalka ah iyo jabhada TPLF iyo jabhado kale oo la safan tigreega kuwaasi oo dagalo kusoo qaaday dhulka ay deganto somalida kuwaasi oo ay hormuud ka ahayd ciidamo ismaamulka canfarta ka tirsan oo taabacsan TPLF.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS