DAAWO;-Xildhibaan Eng Cabdikariim Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Bulshada La Wadaagta Danbi Loo Haysto Sheekh Maxamed Ismaacil! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xildhibaan Eng Cabdikariim Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Bulshada La Wadaagta Danbi Loo Haysto Sheekh Maxamed Ismaacil!
August 18, 2021 - Written by Editor:

“Culimadu Ixtiraam Iyo Karaamo Ayay inaga mudan Yihiin, laamaha Amaanka Waxaan Ugu baaqay in ay bulshada usoo Bandhigaan Dambiga lagu hayso sheekha, hadii kale ay deg deg Xoriyadiisa Ugu Soo Celiyaan”Xildhibaan Cabdikarim.

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Eng Cabdikariim Maxamed  oo kamid mudanayaasha golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka maroodi jeex iyo gabiley ayaa ka hadlay xadhiga xukuumadu kula kacday sheikh maxamed ismaaciiil isagoo laamaha amaanka ugu baaqay in ay bulshada la wadaagaan danbi loo haysto sheekha hadii kale xoriyadiisa deg deg loogu soo celiyo.

Sidoo kale xildhibaan cabdikariim maxamed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xaflad habeen dhawayd ciidamada boolisku ka hor istaageen taageerayaasha xildhibaan guruuje uu munaasibad uqabanayay

Dhanka kale xildhibaan eng cabdikariim ayaa soo dhaweeyay xarunta calafka xoolaha ee wasarada xanaanada xooluhu ka hirgalinayso mashruuca banka wajaale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS