DAAWO;-Qaabkii Ay Udhacday Doorashadii Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Qaabkii Ay Udhacday Doorashadii Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland
August 3, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Kal-fadhigii kowaad ee golaha wakiilada ayaa saaka furmay kaasi oo xildhibaanada golaha lagu dhaariyay islamarkaana ay ku doorteen shir gudoonka golaa wakiilada hogaamin doona.

Gudooiyaha golaha ayaa waxaa ukala sharaxnaa xildhibaan faratoon oo hogaaminayay xisbiga xukuumada iyo xildhibaan cabdirasaaq khaliif uu hogaaminayay isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ee wadani iyo ucid

Faratoon ayaa helay 39cod halka uu cabdisaaqna ka helay 42 cod oo uu kaga guulaystay

Sidoo kuxigeenka ayaa waxaa ka koowad utartamay cumar jaamac oo isbahaysiga ka socday iyo siciid mire giire oo xisbiga xukuumada ka sharaxnaa waxaa guushu raacdat siciid mire oo hal cod kaga guulaysray cumar jaamac

Dhanka gudoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa ku tartamay cali xaamud jibriil oo isbahaysiga ka socday iyo naasir qodax oo xisbiga xaakimka ka sharaxnaa waxaana ku guulaystay cali xaamud

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS