|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Caafimaad Oo Dawlada Hoose Ka Hirgalisay Deegaanka Taysa.
August 8, 2021 - Written by Editor:TAYSA(W,N)-Badhasaabka Gobolka Gabiley oo ay weheliyaan maayarka magaalada gabiley iyo xildhibaano katirsan golaha deegaanka ayaa xadhiga ka jaray xarun MCH Ah oo dawlada hoose ee gabiley ka hirgalisay deegaanka Taysa oo katirsan degmada Allaybaday ee gobolka gabiley.
Munaasibada xadhiga lagaga jaray xanaanada ayaa waxaa maamulka dawlada hoose ee gabiley uga mahad celiyay dadwaynaha ku dhaqan deegaanka taysa oo baahi wayn uqabay xarun caafimaad oo lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka.
Sidoo kale waxaa munaasibada xadhig ka jarka ka hadlay badhasaabka gobolka gabiley maayarka magaalada gabiley Maxamed amiin cumar cabdi iyo xubno kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada gabiley. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Shil Gaadhi Oo Goordhawayd Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kalabaydh Ee Gobolka Gabilay Iyo Khasaare Is... “Sanadkan Ina Dhaafay Ilaa 1997 Markii Cigaal La Doortay Waxa Uu Ahaa Sanadkii Ugu Nidaamka Xumaa Ee... Madaxda Somaliya Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Magaalada Muqdisho Loogu Sameeyay Marxuumad khadiija M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|