|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Daahfurtay Ku Shaqaynta Nidaamka Casriga ah Ee Maaraynta Xogta Maaliyada.
August 24, 2021 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Ayaa daah furtay Barnaamijka Nidaamka casriga ah ee maaraynta Xogta Dowladda Oo uu daahfuray Wasiirka Wasaarada Hormainta Maaliyada Ee Sa’ad Ali Shire, Oo ay weheliyaan gaasimaha Guud Ee Wasaarada, madaxda Mashruuca BFM Iyo wasiir kuxigeenka wasaarada Arimaha Gudaha.
Sidoo kale waxaa Daahfurka Barnaamijka Maaraynta Xogta maaliyada Oo noqonaya markii ugu horaysay ee Dowlad hoose laga hirgaliyo dalka iyadoo ay dalbatay Dowladda Hoose Ee Degmada Gabiley si loo helo daahfurnaanta goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka gabiley maayarka iyo xubno kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka.
Dhanka kale masuliyiinta wasaarada maaliyada ayaa maamulka dawlada hoose ee gabiley ku amaanay hirgalinta nidaamkan casriga Ah. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Munaasibad Balaadhan Ku Soo Dhaweeyey Xildhibaano Ka Tirsan Gola... Maal-qabeen U Dhashay Dalka Imaaraadka Oo Uu Weheliyo Safiirka Jsl Ufadhiya Jabuuti Oo Booqasho Ku T... Daawo:Wariye C/salaam Hereri Oo Barnaamij Cajiib ah Ka Diyaariyay Somalida Degen Hindiya Iyo Nin Som... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|