DAAWO;-Cuqaal Iyo Siyaasiyiin Si Adag Uga Hadlay Arimo Xasaasiya Oo Ka Taagan Deegaanka Maqaaxida Inanta Iyo Baaq Ay Udireen Maayarka Caasimada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Cuqaal Iyo Siyaasiyiin Si Adag Uga Hadlay Arimo Xasaasiya Oo Ka Taagan Deegaanka Maqaaxida Inanta Iyo Baaq Ay Udireen Maayarka Caasimada.
August 14, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Cuqaasha, waxgarad iyo siyaasiyiin kazoo Jeeda Bulshada ku dhaqan maqaaxida inanta ee galbeedka hargaysa ayaa si kulul uga hadlay falal iskugu jira dhul boob,tacadi iyo xadhig ay ku hayaan kooxo isku bahaystay in ay xoog kaga qaadaan dhulka ay degan yihiin iyagoo farta ku fiiqay shakhsiyaadkaasi shaadhka dawlada usoo xidhay ee falalka ku haya bulshada degan deegaanka makhaayada inanta.

Sidoo kale cuqaashan iyo siyaasiyiinta ayaa baaq culus udiray maayarka caasimada, madaxwaynaha jsl, laamaha amaanka oo ay sheegeen in kooxdani Ka shaqaysanayaan shaqadii ay  dawlada hoose uxil saarnayd islamarkaana ay boob ku hayaan dhulkii danta guud iyo beerihii bulshadani lahayd iyagoo maayarka ka codsaday in uu deg deg usoo gaadho.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS