“Culimadani Laba Dhinac May Eegin Waxna May Dhexdhexaadin, Keliya Waxay U Hadleen Coldoon Oo Sida Ay U Arkaan..”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Culimadani Laba Dhinac May Eegin Waxna May Dhexdhexaadin, Keliya Waxay U Hadleen Coldoon Oo Sida Ay U Arkaan..”Siyaasi Cali Guray.
August 30, 2021 - Written by Editor:

“Coldoon Iyo Cidda Wax Ka Tirsanaysa Ee Dacwaysay Anigu Waxan Ogolahay In Sharciga Hortiisa Ay u Sinaadaan, Dhinac Walbana Uu Cadaalad Helo”

HARGAYSA(W,N)Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali Guray) oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa dareen celiyay hadal kazoo yeedhay qaarkamid ah culimada Ansaaru Sunah oo madaxwayne biixi ka codsaday in lasii daayo coldoon oo ku xidhan xabsiga madheera kadib markii uu si qaawan wax uga sheegay dugsiga abaarso iyo jaamacada barwaawo oo iyagu dalbaday in maxkamada loo horkeeno.

Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in culimadani aanay si dhex dhexaada u eegin arinta coldoon iyo cida dhibanaha ka ah balse ay si gaara ugu hadleen coldoon.

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“COLDOON HORTA MA DHIBANAA MISE WAA EEDAYSANE?CALI GURAY

Culimada Kox-diimeedkan cusub ee Ansaarul Sunna anigu hore umaan maqlin eh Al islaax camal miyaa? Ma heer caalami baa, ma heer goboleed baa, mise waaba heer qaran oo waa Somaliland? Hadii urur ahaan ay Somaliland  yihiin si rasmi ah oo sharci ah ma uga diiwaan gashan yihiin Somaliland haya’d ahaan oo ma u hogaansan yahay urur ahaan, oo ma ku hawlgalaa qaynuunka Somaliland. Goorma ayaa la asaasay, yaana asaasa, xaruntiisuse halkay ku taal?

Coldoon iyo cidda wax ka tirsanaysa ee dacwaysay ( hadii ay jirto) anigu waxan ogolahay in sharciga hortiisa ay u sinaadaan dhinac walbana uu cadaalad helo. Culimadani laba dhinac may eegin waxna may dhexdhexaadin keliya waxay u hadleen Coldoon oo sida ay u arkaan isagu dhibane ah. Ee hadaba Coldoon ma isagaa dhibane ah mise waa eedaysane oo cid kale ayaa dhibane ah?

Anigu wadaadada kuwa hamigooda ugu wayn iyo inta cilmigoodu gaadhsiidan yahay ay aduunyo ku kooban yihiin ee madaxnimo iyo lacag u waashay uma aqaan culimo ee waxan idhaa Wadaad Siyaasi hadana iyagu in siyaasiyiin lagu sheego ma ogola. Waa in xagga diinta kaa soo galaan. Kuwani hadaanay kuwaa ahayn oo ay lilaahi yihiin waa culimo wanaagsan eh ha la ixtiraamo. Hadii ay pro-Ikhwaaniyiin yihiin ha la soo baxaan barnaamijkooda Islaama Asiyaasi (political Islam) in kasta oo ay jartu ku xun tahay saaxiibada ay isku fikirka yihiin oo hadda ay laambaddu ka sii bakhtiyayso Xisbul Nahda ee Tunis iyo Xisbiga Ardogan ee Turkiga oo labadiiba uu maddane dab ugu jiro. Dee Nimankii fikirkaba lahaa ee Akhwaanul Muslimiin ee Masar wixii ku dhacayna waa tii la ogaa ee sanad markay guushii haysteen hadh cad loo badheedhay. Mee Xisbul Islaaxii ee Yaman iyo Cali Cabdalle Saalaxii ay la daawaysteen. Sawtii lagu saliday xuuriyeen shiico ah oo wada takhsiinsan. Cumar Al Bashiir iyo xisbigiisii mee? Maxkamadda Dembiyada Dagaalka waydii ninkii odayga ahaa.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
LINKS