“Celinta Uu Madaxwaynuhu,Dib Ugu Soo Celiyey Xeer14 Waa Qayrul Dastuuri, Waxaanu Ku Xad gudbay Dastuurka Qaranka Jsl”Garyaqaan Timo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Celinta Uu Madaxwaynuhu,Dib Ugu Soo Celiyey Xeer14 Waa Qayrul Dastuuri, Waxaanu Ku Xad gudbay Dastuurka Qaranka Jsl”Garyaqaan Timo.
August 27, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyihii Hore Ee Ururka Qareenada Somaliland Maxamed Maxamuud Xaashi “Timo” Ayaa  qayrul dastuuri ku tilmaamay xeerka furista ururada siyaasada oo madaxwaynuhu dib ugu soo celiyay golaha wakiilada kaasi oo ay labada goleba hore umeel-mariyeen.

Garyaqaan Timo ayaa sheegay in madaxwaynuhu ku kacay dastuur jabin maamada uu dhaafay xeer mudadii uu madaxwaynuhu awooda ulahaa in uu soo celiya isagoo horyaalay mudo 55cisho halka uu sharcigu dhigayo in uu kusoo celin karo mudo 21cisho gudahood ah.

Sidoo kale garyaqaan timo ayaa sheegay in xeerkani sidaasi ku dhaqan gal yahay maamada uu dhaafay mudadii uu dastuurku awooda usiiyay in uu madaxwayne biixi soo celin karo.

Dhanka kale garyaqaan maxamed maxamuud xaashi ayaa madaxwaynaha jsl ugu baaqay in uu ilaaliyo sharciga maamada uu yahay masuulka ugu sareeyay ee masuuliyadu ka saran tahay ilaalinta sharciga.

Garyaqaan Timo ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Celinta uu Madaxwayne Qaranku dib ugu soo celiyey xeer N0 14 Waa Qayrul dastuuri, waxaanu ku xad gudbay Madaxwaynuhu dastuurka Qaranka JSL sababta oo ah sida uu tilmaamayo Qod. 77 ee dastuurka JSL xubinihiisa 5 aad iyo 6 lixaad oo waajib kaga dhigaya Madaxwayne inuu mashruuc sharci oo ay labada gole soo ansixiyeen uu muddo 21 cisho gudahood ah ku ansixiyo ama ku celiyo golaha, haddii uu muddada 21 cisho ah uu Madaxwaynuhu ku celin waayo ama ku saxeexi waayo xeerkaasi wuxuu noqonayaa dhaqan gal mana soo celin karo Madaxwaynuhu.

Sidaas darteed talaabada uu Madaxwayne qaaday ee uu xeerka dib ugu soo celiyey golaha Wakiilada waa qayra dastuuri, mudadii 21 ka cisho ahayd way dhaaftay waxaanu Xeerkani Madaxwaynaha hor yaalay Muddo ka badan 55 Maalmood, xeerkuna sidaas buu ku dhaqan galay.

Ugu danbayn Madaxwaynuhu waa in ixtiraamo dastuurka dalka JSL maadaama uu yahay Masuulkii ugu sareeyey JSL.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS