|
|||||
WAJAALE NEWS
Cabdimaalik Coldoon, Ma Afhayeenka Guddida Wanaag-farista Somaliland-baa?
August 8, 2021 - Written by Editor:In wanaagga la isfaro, xumaantana la iska reebo waa waxaynu Ummad ahaan u abuuran nahay, laakiin Diinteena Islaamku waxay jidaysey in Hab Asluub ah dadka lagu gaadhsiiyo Farriinta Wanaagan. Arrintan, waxaan ku xasuustay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Burco ku qabtay Shir-saxaafadeed, ayaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ku eedeeyay inuu Guddiga Wanaag-farista ku Qasbay inay ka noqdaan Warqad ay khamiistii u qaybiyeen Imaammada Masaajiidda Hargeysa, si ay u eedeeyaan Xarunta dhaqanka ee Hargeisa. Waxaan iswaydiiyey, Goorma ayuu Cabdimaalik noqday Afhayeenka Guddida Wanaag-farista ? Iyo Cidda u dirsatay Inuu Guddiga ka difaaco, wax aanay iyaguba bulshada la wadaagin. Aan ku daree, Shirka jaraa’id ee Cabdimaalik wuxuu i geliyey shaki ah inay jirto cid qarsoon oo Cabdimaalik ku riixaysa inuu arrintan si furan ugaga hadlo Warbaahinta, isagoo markii hore eedaha uu u jeediyo xarunta dhaqanku ku koobnaa Barahiisa bulshada. Ugu dambayn, Cabdimaalik hadduu wanaag wado, Qofna kama hor-iman karo, Haddiise uu Eed u joog noqdo arrintu waxay yeelanaysaa sawir ka duwan ka dhabta ah, sidaasi darteed waxaan soo jeedinayaa inaan arrinta la dhaafin halka ay joogto. War jiraaba Cakaaruu Iman. QALINKII; CABDIQAADIR CARAB COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|