Banaan bax lagaga Soo Horjeedo Jabhada TPLF Oo Maanta Ka Dhacay Caasimada DDSI Ee Jig Jiga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Banaan bax lagaga Soo Horjeedo Jabhada TPLF Oo Maanta Ka Dhacay Caasimada DDSI Ee Jig Jiga.
August 14, 2021 - Written by Editor:

JIG JIGA(W,N)-Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee magaalada jigjiga si taaheero ugu miujiyaan ciidamada kala gedisan ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF isla markaana lagu canbaareenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

Madaxda deegaanka oo ka qeyb galaya dibad baxaan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaamooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Deegaanka Soomaalida.

Banaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacayay Toddobaadyadii la soo dhaafay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa iyo deegaano kale oo ka tirsan isla dalkaas.

Madaxwaynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar, (Mustafe Cagjar) oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in TPLF ay ku andacooneyso hadda in ay soo celinayso nidaamkii federalka qoomiga ah ee ay ku guuldarersatay hirgalintiisii 27 kii sano ee ay xukunka heysteen.

COMMENTS
LINKS