“Wuxu Igu Yidhi Baddow Baad Tahay; Waa Runtii Oo Waxaan Badaw Ka Ahay Suuqa Isdhexfadhiisiga Iyo Mukhadaraadka Isku Dhafan” Xil khadar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wuxu Igu Yidhi Baddow Baad Tahay; Waa Runtii Oo Waxaan Badaw Ka Ahay Suuqa Isdhexfadhiisiga Iyo Mukhadaraadka Isku Dhafan” Xil khadar.
July 31, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Khadar Cali Xakiin Ayaa ka jawaabay hadalo aflagaado ah oo uu kula dul dhacay xildhibaan khaddar guun oo ka leexday isbahaysiga

Xildhibaan khaddar oo katirsan isbahaysiga xisbiyada mucaaridka ayaa qoraal uu kaga jawaabayo aflagaadada khaddar guun ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Maanjeclayn inaan u jawaabo Walaalkay Xildhibaan Khadar Guun laakiin qaar kamid ah taagerayaashayda iyo weliba Taageerayaaahiisii hore ee soo saaray ayaa iga Codsaday.

Wuxu Igu yidhi Baddow baad tahay; Waa runtii oo waxaan badaw ka ahay suuqa isdhexfadhiisiga iyo Mukhaadaraadka isku dhafan(Jajabanta iyo Wixii lamida).

Wuxu igu yidhi Dameer masaajid soo galay..!!

Anagu Ceerigaabo qofka Habeenkii wax kabadda ayaanu nidhaahnaa Dameertuu Xalay Fuushanaa, yacnii hawlihiisuu watay xaasha taasna badawbaan ka ahay adiga laakiin aqoon kuuma lihi xanta dadkana dhegaysanmaayo.

Magaalada Hargeisa kusoo dhawaw…!!!

Halkaad Joogtaa aad isoo dhawayside sooniga dhexfadhiya taageerayaashaadii hore oo imminka ah aniga Taageryaashayda, adigana isku kaa Qoomamaynaya…..!!!!!

Suaal; Haddii aad dib Kalsooni u waydiisato taagerayaashaadii 100 Cod masoo helay?

Ugu danbayn anigu waan kuu hiiliyey markii aan  idhi ninkii dhaarta maray malaa Isagoo xor ah lama kaxayn, laakiin adigii baa dafiray, waxaanan kugu macasalaamaynayaa inaan ku ogaysiiyo inaan kaa Guulaysandoono

Wa bilaahi Tawfiiq”

.

COMMENTS
LINKS