“Waxa Aan Si Adag Ucambaareynaa Falka Waxashnimada Ah Ee Loo Geystay Marxuumad Hinda Cumar, Oo Ugub Ku Ah Jamhuuriyadda Somaliland” Gudoomiye Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Aan Si Adag Ucambaareynaa Falka Waxashnimada Ah Ee Loo Geystay Marxuumad Hinda Cumar, Oo Ugub Ku Ah Jamhuuriyadda Somaliland” Gudoomiye Cirro.
July 21, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro oo ay weheliyaan xildhibaano iyo xubno kale oo katirsan Xisbiga Wadani ayaa booqday guriga qoyska Alle ha u naxariistee marxuumad hinda cumar oo kufsi iyo dil loogu haystay magaalada hargaysa.

Ugu horayn qoyska marxuumada ayaa ka hadlay sidii ay ku heleen warka naxdinta leh ee gabadhoodii kufsiga iyo dilka loogu gaystay,

gudoomiye cabdiraxmaan ciro oo qoyskan ka tacsiyadeeyay geerida foosha xun ee loogaystay gabadhooda ayaa xukuumada iyo laamaha amaanka ugu  baaqay in sharciga la mariyo nimankii falkaa foosha xun ee kufsiga iyo dilka ugu gaystay marxuumad hinda cumar, isagoo ka hadlaya wuxu yidhi;

“Waxa aan booqasho ugu tagay qoyska Alle ha u naxariistee Marxuumad Hinda Cumar oo u dhimatay dhawaan kufsi iyo jidh-dil loo geystay. Waxa aan si adag u cambaareynaa falka waxashnimada ah ee loo geystay Marxuumadda oo ugub ku ah Jamhuuriyadda Somaliland,

W Xukuumadda JSL axa aan ku adkeynayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan caddaaladda u hor keenaan dadkii falkaa foosha xun geystay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS