“Wasiir Maxamed Kaahin Uma Socdo Kursigaa Guurtida,Wuuna Garan Karayaa Inay Arintaasi Tahay Mastaafurin Siyaasadeed Oo Madaxtooyadu..”Boqor Buurmadow. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wasiir Maxamed Kaahin Uma Socdo Kursigaa Guurtida,Wuuna Garan Karayaa Inay Arintaasi Tahay Mastaafurin Siyaasadeed Oo Madaxtooyadu..”Boqor Buurmadow.
July 2, 2021 - Written by Editor:

DUBAI (W,N)- Boqor cismaan Aw Maxamud Buur madow ayaa ka hadlay Katagista xilka gudoomiyaha golaha Guurtida ee saleebaan maxamuud aadan oo uu sheegay in uu banaynayo.

Sidoo kale boqor buurmadow ayaa ka hadlay  hadal haynta wasiirka arimaha gudaha ee buuxin kursiga gudoomiyaha guurtida oo uu ku tilmaamay in ay tahay mastaafurin siyaasadeed oo ay la damacsan tahay madaxtooyadu suurto galna aanay ahayn in uu aqbalo,

Dhanka kale boqor buurmadow ayaa soo jeediyay In gudoomiyaha golaha guurtida lagu dhiso gudoomiye kuxigeenka kowaad ee guurtida oo deegaan ahaan kazoo jeeda gobolada sanaag bari, badhan iyo  hadaaftimo oo aan wax xildhibaana ku lahayn golaha wakiilada Somaliland ee cusub.

Qoraal uu boqor buurmadow ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayuu sidaa ku sheegay wuxuna udhignaa Sidan;

“Waa hubaal in Gudoomiye Saleebaan

banaynaayo kursiga gudoomiyaha golaha Guurtida  iyo xubinimadaba

Hadaba Wasiir Maxamed Kaahin Uma socdo kursigaa Guurtida, wuuna garan karayaa inay arintaasi tahay masaafurin siyaasadeed Oo Madaxtooyadu Uurka ka rabto, afkana soo marin la,waxaan leeyahay qudhaanjoy ku quuso Wasiirku halkaa uma socdo.

Aniga waxay ila tahay odayga Warsangeli ee ku xigeenka Guurtida hada ah aynu ku xurmayno maadaama beelaha Warsangeli ka maqan yihiin Baarlamankan cusub ee dhawaan la Doortay..”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud  Buurmadow ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga.

COMMENTS
LINKS