Sheeko Xiiso Leh;”Waar Hadday Cadaaladi Jirto Geellu Xeradiisii Ayuu Ku Jiri Lahaaye….” Aqoonyahan Jamaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheeko Xiiso Leh;”Waar Hadday Cadaaladi Jirto Geellu Xeradiisii Ayuu Ku Jiri Lahaaye….” Aqoonyahan Jamaal.
July 17, 2021 - Written by Editor:

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo  Nuxurka Xigmada Ay Xanbaarsan Tahay, Sheekada Maantu!!

Sheekadda Maanta: Beri Ayeey niman geel soo wada dhaceen. Waxay Xataa ku sii heshiiyeen sida Geelaa loo qaybsan lahaa kolka la soo dhaco. Kolkii Geellii la soo dhacay Oo ay nabad ku soo guryo noqdeen ayaa la qaybiyey. Ninbaa aad u cawday Oo Wixii hore loogu balan qaaday ayaa la siin waayey Oo ninkii Colkan wax soo dhacay watay ayaa ku wacad furay. Ninkii cabanayey ayeey ka soo hadhay  hadal ahaa” waa cadaalad daro waxan laygu sameeyey” ka dib ninkii colka watay ayaa Ugu jawaabay ” waar hadday cadaaladi jirto Geellu xeradiisii ayuu ku jiri lahaaye war kale ma haysaa” qof meeshuu rabo hawla cararo.

COMMENTS
LINKS