“Saaxiibadey Waxaan Leeyahey, Hankayga Hadaad Yaraysataan Oo I dhagaysan Waydaan, Idina Hankiina Gaadhi Maysaane Ogaada”Xil Axmed Guruuje. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Saaxiibadey Waxaan Leeyahey, Hankayga Hadaad Yaraysataan Oo I dhagaysan Waydaan, Idina Hankiina Gaadhi Maysaane Ogaada”Xil Axmed Guruuje.
July 10, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Axmed Nuur guruuje oo kamid Xildhibaanada golaha wakiilada ee kazoo baxay xisbiga kulmiye Gobolka maroodi jeex Horena Ushaaciyay in uu utartamayo shir gudoonka golaha wakiilada  ayaa saaxiibadiisa Xisbiga kulmiye digniin culus udiray isagoo sheegay hadii hankiisa la yarayso islamarkaana la dhagaysan waayo iyaguna aanay gaadhay hankooda maadaama uu kamid yahay xildhibaanada gacantooda lagu kala baxayo.

Xildhibaan Axmed nuur Guruuje ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo si farashaxnimale uqoray kaasi oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Kaftanka maanta .

Dhoonyacab dharaartii la qabtey”.

Dhoonyacab wuxuu ahaa nin geesi ah ,colwadeena oo abaanduule ah , kana dhashay beesha Ogaden reer cabdile oo ku noolaan jirey gobolka doolo qarnigii horre .

Dhoonyacab waqti waqtiyadda ka midda ayaa jufadoodii oo reer xirsi la odhan jirey is dishey dabeeto waa rag coloobey iyo caadkiiye waa la kala guurey .

Maalin maalmaha ka midda ayaa dhoonyacab oo meel iska maraya ilmaadeertiisii ay is hayeen qabteen , dabeeto waxay ku tashadeen dhoonyacab waa nin Wayn oo inagama go oo dili maynee aynu ka yeedhsiino hadal aynu hafhoow kaftanka kagga hello .

Dhoonyacab dabeeto waa loo yimi waxaana laggu yidhi dhoonyacaboow dardaaran , dabeeto wuxuu ugu jawaabey .

Anigana I dila idina waa I daba gelaysaane

Aqal labadii daah baynu nahey oo kala danbayn mayno

Dan halooga baxo reer xirsaa doortay aakhiro e .

Imika waa halkii dhoonyacabe saaxiibadey waxaan leeyahey ,hankayga hadaa yaraysataan oo I dhagaysan waydaan idina hankiina gaadhi maysaane ogaada ilayn faraha laggu kala badinayo fartayduna way ku jirtaa In fartayda halkaa u taago guushu ku xidhan tahayna lagaba yaabee.

W/Q Xildhibaan Axmed Guruuje

 

COMMENTS
LINKS