Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah TPLF. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah TPLF.
July 18, 2021 - Written by Editor:

“TPLF, Waa Kansar ay tahay in laga cidhibtiro geeska Afrika”. Abiy Axmed

Ethiopia(W,N): Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey xku sheegay IN dawladdiisu ka shaqaynayso sidii xidida loogu siibi lahaa TPLF, oo uu ku eedeeyey in ay yihiin Cancer ay tahay in laga ciribtiro geeska Afrika, wuxuuna sheegay in ay qaadayaan howlgal culus.

Abiy Ahmed, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in dowladiisu ka shaqaynayso sidii ay xididaha ugu siibi leheed dagaalyaha TPLF, oo uu sheegay in ay yihiin “Cancer ay tahay in laga ciribtiro geeska Afrika”.

Qoraalka uu baahiyay Xafiiska Wasiirka 1aad ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay qaadayaan howlgal culus.

“TPLF Xididada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaanteen waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn”ayuu yiri Abiy Ahmed

Dhanka kale ismaamulada ayaa ku hawlan ururinta ciidamo ka dagaalama gobolka tigrey oo ay ka noqonaya duulaanka ay ku dhawaaqday dawlada raysalwasaare abiye axmed

Ciidamada dawlada fadaraalka itoobiya ayaa dhawan iskaga soo baxay gobolka tigrey kuwaasi oo ay dib qabsadeen ciidamada TPLF Ooh ore y xoog ciidanka kala wareegeen ciidamada dawlada itoobiya kuwo ka socday dalka eretriya balse hada iyaguna iskaga baxay kadib markii ay dhaleecay iyo cadaadis kala kulmeen beesha caalamka iyo wadama reer galbeedka oo ku eedeeyay in xadgudubyo dagaal ka gaysteen dhulka ismaamulka tigreey.

 

COMMENTS
LINKS