|
|||||
WAJAALE NEWS
Rabshado Ka Socda Dalka Tunisia Ka Dib Go’aankii Madaxwaynaha Dalkaasi Ku Riday Xukuumadiisii!
July 26, 2021 - Written by Editor:TUNIS(W,N)Rabshado ayaa ka socdaa afaafka hore ee baarlamaanka Tunisia kadib go’aankii xaley madaxweyne Qeys Saciid uu ku joojiyay shaqada baarlamaanka dalkaas. Guddoomiyaha baarlamaanka Rached Ghannouchi ayaa loo diiday in uu galo xarunta baarlamanaka. Taageerayaashiisa xisbiga Ennahdha iyo taageerayaasha madaxweynaha ayaa dibadbaxyo ay isaga soo horjeedaan ka dhigaya halkaas. Warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ciidamo ay la wareegeen saldhigga dowladda ee Tunis iyagoo shaqaalaha ka horjoogsanaya inay gaaraan halkaas. Dadka dhaleeceeya siyaasadda madaxweynaha waxay ku eedeeyeen in uu waday falal afgembi ah. Madaxweynaha wuxuu sheegay in sababta uu u qaaday tallaabadaas ay aheyd badbaadinta dalka. Waxaa muddo bila ah dalka Tunisia ka taagneyd xiisad ka dhalatay sida dowladda ay ula tacaashay cudurka Karoona iyo dhaqaale xumida.
Related posts:Gudida Arimaha Dibada Ee Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arimaha Dibad... Xisbiga Wadani Oo Eedo Culus Ujeediyay Wasiirka Waxbarashada Uguna Baaqay In Uu Xilka Iskacasilo. Madasha Oo Ka Hadlay Halka Ay Ku Danbaysay Ergadii Dhex-dhexadintu,Mudo kordhinta +fariin Culusna Ud... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|