Qaar Kamid Ah Ardayda Jaamacada Camuud Ee Ay Isku Fasalka Ahaayeen Marxuum Ibraahim Cabdishakuur Oo Ka Waramay Sidii Uu Udhacay Dilkiisu! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar Kamid Ah Ardayda Jaamacada Camuud Ee Ay Isku Fasalka Ahaayeen Marxuum Ibraahim Cabdishakuur Oo Ka Waramay Sidii Uu Udhacay Dilkiisu!
July 5, 2021 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Qaarkamid ah ardayda jaamacada camuud ee ay isku fasalka ahaayen ardayda ay xabadu kaga dhacay askari kamid ah ilaalada ciidanka jaamacada camuud ayaa ka hadlay geerida marxuum Ibraahim iyagoo Marka Hore Ka Tacsiyeeyey Geerida Naxdinta Leh qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay.

Ardaydani jaamacada camuud dhigta ee warbaahinta la hadlay oo Dhamaantooba Ka Soo Jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa Waxay Bulshada Ugu Baaqeen in La Joojiyo Wararka Been-Abuurka ah Ee Ku Saabsan geerida ardaygan in uu xidhaa  Dhar calanka somaliya ah oo aan waxba ka jirin.

Waxa ay Noo Sheegeen in Ardayga iyo Askarigu ay Isku Maan-dhaafeen Telephone-kiisa Gacanta oo uu Xiligii imtixaanka galayay uu Kaga Yimid Jaamacada, oo uu doonayay in uu soo qaato halka askarigu udiiday in uu soo galo jaamacada.

Ardaydani ayaa Ugu Baaqay Ardayda Kale Ee Gobolada Bari Ee Jooga Boorama in aanay Ka Qaybqaadanin Mudaharaad ay Sheegeen in ay Xan Ku Maqleen oo Beri ay Qabanayaan Ardaydu wallow aan la hubin jiritaankiisa  iyagoo sheegay hadii wax laga samaynayo falka ka dhacay jaamacada ay ku haboontahay  Marka Uu Cadaalad Waayo Marxuumka Dhintay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS