|
|||||
WAJAALE NEWS
Markab Ganacsatada Somaliland U Siday Hanti Lagu Qiyaasay 5 Milyan Dollar Oo Ka Goostay Dekedda Berbera, Isagoon Shixnaddii Laga Rogin+Sobobta!
July 13, 2021 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah isla-markaana muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa Dekedda Magaalada Berbera, ayaa halkaa dib uga goostay isagoon Alaabtii laga rogin. Warar uu helay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegaya in Markabku ka goostay Dekedda Berbera, ka dib markii ay is khilaafeen Ninkii Wakiilka u ahaa, kaasi oo deggan dalka Imaaraadka Carabta. Illaa hadda lama oga meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Markabkan oo Ganacsatada Somaliland u siday Alaab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo Dollarka Maraykanka. Warar kala duwan oo Geeska Afrika soo gaadhay, ayaa sheegay in Ganacsatadu ku mashquulsan yihiin inay meel ku ogaadaan Markabkii alaabta u siday, balse illlaa hadda lama oga halka uu ku sugan yahay Markabkaasi. Xilliga Markabku Alaabta la goostay, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Maalmo ka hadheen Ciidda Carafo.
Related posts:Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo La Filayo Inay U Yeedho Labada Musharax Ee Ku Muransan Jagada Gudoom... DAAWO;-Gudoomiyaha Xafiiska Imtixanaadka Oo kormeer Kusoo Maray Qaarkamida Dugsiyada Wajaale Ee Ay k... Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ganafka Ku-dhuftay Shir Maalinta Berri La Qaban... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|