|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Caawa Gurigiisa Ku Booqday Xil, Axmed Diiriye Nacnac.
July 12, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynihii hore ee Somaliland axmed maxamed siilaanyo oo ay weheliyaan marwadiisa wasiirkii hore ee maaliyada samsam cabdi iyo safiirka Somaliland ufadhiya Kenya ayaa caawa gurigiisa ku booqday Xildhibaan Axmed diiriye nacnac oo xanuun ujiifay gurigiisa maalmihii udanbeeyay. Xildhibaan Nacnac ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka ee facebookga kaga hadlay booqasha uu ugu yimid madaxwaynihii hore ee jsl isagoo uga mahad celiyay booqashada ay ugu yimaadeen ku sheegay in uu uga mahadnaqayo. Waxaana ay u dhignaa sidan qoraalkan uu soo dhignaa Sidan; “Waxaan uga mahadcelinayaa bookhashada ay gurigayga iigu yimaadeen saaxiibkay Madaxweyne hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo iyo xaaskiisa marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde, Wasiir hore Samsam Cabdi Aadan, Safiirka dalka Kenya u fadhiya Somaliland Baashe Cawil iyo marwadiisa. caafimaad ahaan waan wanaagsanahay Alxamdulilaah, martidaa sharfta leh ee guriga igu soo siyaartayna waan u mahadcelinayaa waad i sharafteen Alle haydin sharfo. Related posts:Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan Layeeshay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay James S... Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh Iyo Magaalad... Xisbiga Wadani Oo Ka Dareen Celiyay Kulankii Uu Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Layeeshay Xildhibaan Bark... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|