Madaxweyne ku xigeenka JSL Oo Kormeer Ku Tegay Xarunta Ciidanka Dab-demiska Ee Caasimadda Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku xigeenka JSL Oo Kormeer Ku Tegay Xarunta Ciidanka Dab-demiska Ee Caasimadda Hargeysa.
July 25, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo uu weheliyo wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa maanta kormeer kusoo maray taliska ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa.

Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka dab-demiska sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili. Ugu horreyn waxa uu madaxweyne ku xigeenku sallaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka dab-demiska, isagoo intaas kaddibna soo maray xafiisyada kala duwan ee uu ka kooban yahay taliska guud ee ciidanka dab-demiska iyo qaybihiisa kala duwan.

Sarreeye Guuto Sawaaxili ayaa warbixin dheer ka siiyay madaxweyne ku xigeenka marxaladihii uu soo maray ciidanka dab-demisku isagoo ciidanku jiray buu yidhi muddo kooban haddana uu ku guuleystay inuu damiyo ama uu u gurmado dhiilo kasta oo soo yeedha. Waxaanu intaas ku daray in ciidanka dab-demis hadh iyo habeen ba uu heegan u yahay u shaqaynta iyo badbadinta nafta iyo maalka muwadiniinta Somaliland, isagoo madaxweyne ku xigeenka halkaas uga akhriyay dhacdooyinkii dhacay lix-dii bilood ee hore ee sannadkan 2021-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Jsl mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta ciidanka dab-demisku ay u sameeyeen, isagoo tilmaamay in horumar xawli ah uu ku socod ciidanka dabdemisku iyadoo ay kooban tahay muddada uu jiray, waxaanu ka marag kacay in ciidanka dab-demisku haysto dhalinyar u carbisan xirfadda ciidanka dab-demiska isla markaana heegan ah afar iyo labaatanka saacadoodba.

Geesta kale, madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inuu hiil iyo hooba qaranku la garab taaganyahay ciidanka dab-demiska, isagoo ku booriyay inay dedaalka ay qarankooda ugu shaqaynayaan ay bartaas kasii wadaa

COMMENTS
LINKS