|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.
July 19, 2021 - Written by Editor:HAMBALYO MADAXWEYNE: 19/07/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1442-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu u rajaynayaa in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano. Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo. Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
Related posts:Afar Sarkaal Oo Tirsan Booliska Magaalada Minneapolis Oo La Eryey Kadib Markii La Dilay Nin Madow Ah... Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Kuwa Sare... Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Kormeeray Mashruuca Wax Soo Saarka Banka Wajaale Iyo Waxyaabaha Uu Ku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|