|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Qaabiley Xildhibaankii U Horeeyey Ee Isagoo Madaw Ah Kusoo Baxa Golaha Wakiilada Dalka Finland.
July 10, 2021 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, dhawaana loo doortay inuu ka mid noqdo golaha wakiilada ee dalka Finland, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki, isagoo noqday taariikhda markii u horaysay ee uu ka soo muuqdo masuul asal ahaantiisu ay tahay madaw saafiya oo aan iska dhal ahayni. Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyoย gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan.
Xildhibaanka oo safarkii sii u horeeyey intii la doortay uu kaga baxo dalka Finland ayaa goโaansaday inuu ku yimaado dalkiisi hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu maalmo kooban ku joogi doono booqasho, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada. Related posts:Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Dardargelisay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Istaagay,... ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐ฒ๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ค๐ฎ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ข ๐๐๐ง๐ข Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Aanay Suurtoobay In Laascanood Laga Gooyo Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |