|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Wasiirka Isgaadhsiinta Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Adeerkii Oo Ku Geeriyooday Dalka Sucuudiga.
July 12, 2021 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 12/07/2021 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Suufi Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Maka ee dalka Sucuudiga maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/07/202. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka si gaara uga tacsiyadaynayaa dhammaan qoyska reer Suufi Jibriil gaar ahaan wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Jmahuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo marxuumku adeerkii ahaa. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|