Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarumo Caafimaad Oo Ay Dawlada Hoose Ka Hirgalisay Deegaan Katirsan Gobolka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Xarumo Caafimaad Oo Ay Dawlada Hoose Ka Hirgalisay Deegaan Katirsan Gobolka!
July 13, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Wafti uu hogaaminayo Badhasaab kuxigeenka gobolka gabiley oo ay weheliyaan maayarka magaalada gabiley iyo xubno katirsan golaha deegaanka ayaa xadhiga ka jaray xarumo  caafimaad oo dawlada hoose ka hirgalisay deegaano katirsan gobolka gabiley.

Dadwaynaha ku dhaqan deegaanada laga hirgaliyay xarumaha caafimaad ayaa dawlada hoose ee gabiley iyo golihii hore ee deegaanka uga mahad celiyay xarumahan ay ka hirgaliyeen deegaanada oo ay bulshadu baahi wayn uqabtay.

Sidoo kale badhasaab kuxigeenka gobolka gabiley maayarka magaalada gabiley iyo xubno kale oo katirsan golaha deeganka gabiley ayaa ka hadlay muhiimada ay bulshada uleedahay xarumahan caafimaad ee ay dawlada hoose hirgalisay oo ka kobaan ilaa afar xarumo caafimaad kuna kala yaala deegaano kala duwan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS