Maal-qabeen U Dhashay Dalka Imaaraadka Oo Uu Weheliyo Safiirka Jsl Ufadhiya Jabuuti Oo Booqasho Ku Tagay Dekeda Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maal-qabeen U Dhashay Dalka Imaaraadka Oo Uu Weheliyo Safiirka Jsl Ufadhiya Jabuuti Oo Booqasho Ku Tagay Dekeda Berbera.
July 18, 2021 - Written by Editor:

Berbera(W,N)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, oo hoggaaminaya Wafti Maal-qabeen u kamid yahay Nin Maal-qabeen ah oo maalgelin badan hore ugu sameeyey dalka Jabuuti oo lagu magacaabo Ibrahim Saeed Ahmed, Lootah. Président des sociétés Lootah group et Inmaa group, ayaa booqasho ku tagay Dekeda Berbera iyo Free-zonka Dekedaha Somaliland ee Berbera.

Waftiga ayaa waxa gudaha Dekeda Berbera kusoo dhoweeyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo madaxa Shirkada Dp World Berbera.

Waftiga uu hoggaaminayo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa ujeedada socdaalkoodu yahay sidii mustaqbalka dhow, Maal-qabeen u dhashay dalka Imaaraadku u maalgashan lahaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Dekeda iyo Free-zonka Dekedaha Somaliland.

Maal-qabeen Ibrahim Saeed Ahmed, Lootah. Président des sociétés Lootah group et Inmaa group, ayaa shalay qasriga Madaxtooyada Somaliland Kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka ganacsiga Md. Sacad Saajin, waxanu Balan-qaaday inuu Somaliland ka samayn doono maalgelin weyn, isla markaana la jaan-qaadi doono horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera iyo Free-zonka Dekedaha, waxanu Maal-qabeenku sheegay inay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu dhinacyada ganacsiga iyo Siyaasadaba Saaxibo ka yihiin.

Waftiga uu Hoggaaminayey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Kormeer ku sameeyey qaybaha Dekeda Berbera iyo Free-zonka iyo weliba mashruuca wadada Berbera Corridor. Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa sidii uu Somaliland u keeni lahaa maalgashadayaal Caalamiya, isagga doonaya inay Somaliland noqoto goob aamin ah oo dhinacyo badan ka horumarsan.

COMMENTS
LINKS