Loolanka Loogu Jiro Buuxinta Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jsl Oo Bilowday Iyo Shakhsiyaadka Ilaa Hada Shaaciyay Hankooga! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka Loogu Jiro Buuxinta Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jsl Oo Bilowday Iyo Shakhsiyaadka Ilaa Hada Shaaciyay Hankooga!
July 1, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhawaan Iscasilaada xilka Gudoomiyaha golaha guurtida Ugudbiyay madaxwaynaha Somaliland, oo sida warar sheegeen madaxwaynuhu ka Aqbalay Istiqaalada Katagista xilka ee gudoomiye saleebaan oo ku sobobeeyay xaalada caafimaad oo isaga ugaar ah.

Hadaba Tan iyo intii ay soo baxday iscasilaada gudoomiye Saleeban ee golaha guurtida ayaa waxaa bilowday Tartanka iyo shirar hoose oo loogu jiro Buuxinta jagada gudoomiyaha golaha guurtida taasi oo ay wadaan xubno kamid ah xildhibaanada golaha guurtida oo iyagu leh damaca gudoomiyaha golaha guurtida Iyo shakhsiyaad kale oo Aan kamid ahayn golaha guurtida balse dabada ka jooga  oo quudaranaya gudoomiyaha guurtida.

Sidoo kale xogaha laga helayo loolanka buuxinta gudoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegaya  in ay jiraan xildhibaano katirsan golaha guurtida oo bilaabay ololaha ay ugu jiraan buuxinta gudoomiyaha golihii ay kamid ahaayeen.

Xildhibaanada ilaa hada shaaciyay damacagooda gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa waxaa kamid ah xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheikh Muxumed oo kamid golaha guurtida horena dhowr jeer ka dhawaajiyay damaciisa kursiga gudoomiyaha golaha guurtida ka hor intaa aanu saleebaan maxamuud aadan banaynin

Dhanka xildhibaan suldaan ismaaciil  ayaa ilaa iyo intii ay soo baxday katagista gudoomiye saleebaan ayaa wuxuu bilaabay shirrar hoose oo uu kula tashanayo xildhibaanada golaha guurtida ee ay isku aragtida yihiin iyo xulafaysi kale oo uu ku damacsan yahay in  uu ku kasbado aqlabadiya golaha guurtida.

Xildhibaan suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan ayaa kamid ah dhalinyaradii xildhibaanada golaha guuryida soo galay isagoo mudadii uu golaha katirsanaa siwayn wax uga badalay hanaankii golaha guurtida ee hore kaasi oo isku badalay mid xildhibaanada golaha guurtida marwalba dood ka yeesheen xaalada dalka ka taagan islamarkaana ay uyeedhaan hadba masuulka ay khusayso arinta taagani

Golaha guurtida Somaliland ayaa wakhtigii uu geeriyooday gudoomiyihii golaha guurtidu sheikh ibraahim waxaa dabada laga keenay saleebaan gaal oo sidaasi gudoomiye loogaga dhigay golihii guurtida taasi oo marwalba caqabad ku noqota damaca xildhibaanada golaha in dabada lagaga keeno masuul aan kamid ahayd islamarkaan gudoomiye looga dhiga.

Iskusoo wado duub oo loolanka loogu jiro buuxin gudoomiyaha golaha guurtida ayaa laga war sugu doonaan wakhtiyada soo socda iyo halka uu cago dhigto hirdankiisu iyadoo mudanayaasha golaha guurtidu ay doortan si gaar ah isha ugu hayaan kana soo horjeedaan in gudoomiye dabada lagaga keeno iyadoo golaha ay fadhiyaan xildhibaano buuxin kara booska oo leh damac taasi oo shardi ku ah xukuumada muuse biixi oo hadii ay isku daydo in sidii xukuumadii daahir riyaale in golaha dabada lagaga keeno siyaasi ay madaxtooyadu soo dooratay, ay dhaabad adag ku noqon doonto xukuumada hada talada haysa

Wixii kazoo kordha loolanka bilowga ah ee golaha guurida ee buuxinta gudoomiyaha golaha kala soco wararkeena danbe

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE.

 

 

COMMENTS
LINKS