Laba Caruur Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Guri Ku Yaala Xaafada Daami Ee Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Caruur Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Guri Ku Yaala Xaafada Daami Ee Magaalada Hargaysa.
July 30, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dab caawa ka kacay guri ku yaala xaafada Daami Ayaa sobobay dhimashada laba caruur ah Oo ku nafwaayay guri uu dabku qabsaday halka laba kale laga soo badbaadiyay iyadoo sidoo kale ay ku shuf beeleen dhamaan wixii Hanti yaalay gurigan.

Xildhibaan Barkhad batuun ,madaxdhaqameed iyo qaarkamid ah dadkii gurmadka ka galay daminta iyo soo sabata bixinta qaarkamid ah caruurtii ku jirtay gurigan ayaa ka hadlay sida wax udhaceen

Sidoo kale dadkii ka hadlay masiibada dabka ah eek u habsatay qoyskan ayaa tacsi udiray qoyskii ay aga geeriyoodaan labada caruur ahi iyadoo umada reer Somaliland ugu baaqay in gurmad loo fidiyo qoyskan.

Sidoo kale saraak uhadlay ciidankii dab damiska ee usoo gurmaday gurigan uu dabku ka kacay  ayaa sheegay In dadka xaafada dagani qayb ahaayeen in gurigu wado gubti isagoo sheegay inay ciidanka sheedeen ismarkaana ay qaarkamid ah dhaawac soo gaadhsiiyeen.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS