Koonfur Afrika Oo Ku Gacan Saydhay In Israa’iil Kamid Noqoto Midowga Afrika. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Koonfur Afrika Oo Ku Gacan Saydhay In Israa’iil Kamid Noqoto Midowga Afrika.
July 30, 2021 - Written by Editor:

Pretoria(W,N)-Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay go’aankii Midowga Afrika ku ogolaaday in Israa’iil ay dowlad korjooge ah ka noqoto Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil ee u fadhiya dalka Itoobiya, Chad Aleli Admasu.

Qoraalka kasoo baxay Waaxda Iskaashiga caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kaligood qaateen Komishinka Midowga Afrika iyagoo aan kalatashan 55 waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Hadalka kasoo baxay Koonfur Afrika ayaa waxaa sidoo kale taageeray dowlada Aljeeriya.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalkii dhibaatada badan kala kulmay Israa’iil oo gacan siin jirtay dowladii cunsuriga ahayd ee Apartheidkii kasoo talin jiray dalkaasi.

COMMENTS
LINKS