Itoobiya Oo Dacwad Kusoo Oogtay Madaxda Sare Ee TPLF Oo Wakhtigan Dagaalo Adag Kula Jira Dawlada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Dacwad Kusoo Oogtay Madaxda Sare Ee TPLF Oo Wakhtigan Dagaalo Adag Kula Jira Dawlada!
July 23, 2021 - Written by Editor:

Adis(W,N)-Dawlada Itoobiya ayaa dacwad kusoo oogtay hogaamiyayaasha sare ee TPLF, oo ay ugu horreeyaan Debretsion iyo Getachew Reda.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Itoobiya ayaa dacwad ka dhan ah 62 xubnood oo ka tirsan hogaaminta xisbiga TPLF ka furay maxkadda la dagaalanka Argagaxisada ee dawladda Federaalka Itoobiya.

Eedaymaha loo haysto xubnahan oo laga diyaariyey in ka badan 5300 Ducement waxa kamid ah, inay qabteen dooroshooyin aan waafaqsanayn Dastuurka iyo eedaymo kale oo la xidhiidha musuq maasuq.

Sidoo kale waxa lagu soo eedeeyey in ay weerareen saldhigii waqooyi ee Ciidamada Militariga Itoobiya, bililiqaysteen hubkii ciidanka iyo in ay dileen askar aan tiradooda la garan karin.

Dacwada ay dawlada itoobiya kusoo oogtay madaxda xisbiga TPLF Ayaa kusoo beegmaysi xili ay dawlada kula jiraan dagaal culus kaasi oo laga cabsi qabo in uu ku faafo gudaha dalka itoobiya islamarkaana uu horseedo burburka dawlada fadaraalka itoobiya

 

 

COMMENTS
LINKS