“Hadalka Wanaagsan Anfac Aduunyo Iyo Ajar Aakhiro Ayaa Lagu Helaa”Sheekh Dirir. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadalka Wanaagsan Anfac Aduunyo Iyo Ajar Aakhiro Ayaa Lagu Helaa”Sheekh Dirir.
July 30, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir Oo kamid ah Culimada Somaliland  ayaa Khudbadii Jimcaha ee maanta Bulshada ku baraarujiyey inay ereyo wanaagsan warbaahinta, Baraha bulshada ama dadka kula hadlaan, si ay anfac aduunyo iyo ajar aakhiro uga helaan, una noqonayo sadaqo sida Nebigu SCW inoo sheegay.

Sheekh Dirir Oo hadlayey raadka uu leeyahay hadalka wanaagsan ayaa sheegay in qofku haduu qowlkiisa iyo qalbigiisu wanaagsanaado inuu wacnaanayo, oo raadka uu ku yeelanayo nafta iyo camalka, sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay in ereyada wanaagsan raga iyo dumarka wanaagsan ay ku hadlaan.

Nebigu NNKH markuu ka hadlayey ereyga wanaagsan waxuu sheegay inay sadaqo tahay, sida xadiis micnahiisu yahay “Kelmada wanaagsan waa sadaqo”  wanaag ayaad ku heli hadaad erey wanaagsan warbaahinta, baraha bulshada ama dadka ku tidhaahdo. Dhaqankii Nebiga NNKH ayuu ahaa in erey wanaagsan inuu ku hadlo.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in kelmada wanaagsan janno lagu helo, halka kelmada xun naar ku geyn karto, sida xadiis saxeex ah Nebigu NNKH inoogu sheegay inaynu ka fiirsano ereyga aynu odhanayno “Qofku erey ayuu ku dhawaaqaa, aanu filayn inuu wanaagsan yahay, balse noqda mid Ilaahay SW raaligeliya, markaasuu  janno ku muteystaa. Sidoo kale erey xun ayuu ku dhawaaqa, aanu filayn inuu dhibaato keeno, oo naar ku muteystaa”

Mar kale Nebigu NNKH isagoo inoo tilmaamaya muhiimada ereyga wanaagsan leeyahay waxuu xadiis saxeex ah inoogu sheegay “Naar ka baqa, xabad lafteedna ha ahaatee, hadii kale erey wanaagsan.”

Ereyga wanaagsan dadka oo dhan ayaa lagula dhaqmayaa. Sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay isagoo la hadlaya Nebiga SCW “Adoomadayda gaadhsii inay kelmada wanaagsan ku hadlaan” mar kale Ilaahay SW waxuu inoo sheegay “Dadka oo dhan wax wanaagsan ku dhaha” qof ehel ah iyo mid fog, saaxiib iyo cadow, ereyga wanaagsan kula macaamil.

Ilaahay SW waxuu inna faray inaan waalidkeen hadal wanaagsan kula dhaqanno, siduu aayad inoogu sheegay “Hadii waalidkaa gaboobo, erey xun haku odhan, hana huruufin, balse erey wanaagsan ku dheh oo ka farxiya,”

Sidoo kale qofka kuu yimaada hadaad wax u karayso iyo hadii kale erey wanaagsan ku dheh “Hadal wanaagsan iyo deeq ayaa ka wanaagsan sadaqo huruuf la socdo,”

Sheekh Dirir ayaa sheegay in ereyga wanaagsan loo baahan yahay inuu qofku xitaa xawayaanka kula dhaqmo. Sida qisadu tilmaamayso,  Iyadoo safar lagu jiro ayaa haweenay hasheedii kicnaysa, aragtay Nebiga SCW oo ku soo dhowaaday, marka ayey hashii ku tidhi “kac..kac Ilaahay SW ha ku nacdalee? Markaa ayuu Nebigu NNKH ugu jawaabay “Haddaba neef nacdal dusha ka saaran tahay na raaci maysee, ka tag?, haddaba! Ereygii xumaan ee neefka waxay ka macaashtay inay ku weydo. Xitaa dabeysha waa la diiday in la nacdalo. Nin baa dabeyshu maradii ka qaaday, markaa ayuu nacdalay, ka dib Nebiga NNKH ayaa ku yidhi, “ha nacdalin dabaysha Ilaahay SW ayaa soo diraye,”

Qof kastoo wax nacdala, hadii aanu gaal ahayn, isaga ayey ku soo noqotaa nacdashii, ayuu Nebigu NNKH sheegay.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in kelmada wanaagsan raad ku reebto dadka quluubtooda iyo dareenkooda, taasoo asxaabtii Nebigu NNKH dadka ku hanuunin jireen ereyga wanaagsan. Ragii bilowgu uu Nebigu NNKH Madiina u diray waxa ka mid ahaa Muscab binu cumayr, maalin ayuu Saxaabi reer madiina oon weli islaamin u yimi, oo u hanjabay isagoo waran sitay, ka dib Muscab ayaa yidhi, bal erey keliya iga dhegeyso..hadaad jeclaysato na raac, hadii kale waanu iska tegi. Ka dib wacdi kooban ayuu u jeediyey, oo yidhi xor baad tahay, ama qaado ama diid? Markuu aad u dhegeystay ayuu halkii ku islaamay. Haddana Sacad ibnu mucaad oo suldaan ahaa ayaa u yimi oo u hanjabay, ka dibna Muscab ayaa yidhi, bal I yara dhegeyso, intii oo kale ayuu ku akhriyey, isaguna wuu islaamay. Dadkuu Suldaanka u ahaa ayuu ku noqday una sheegay inay islaamaan, ama uu la dagaalamayo, Sacad, ka dibna way wada islaameen.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in qoyska uu kala kaxayn karo erey lagu dhawaaqay, sida qisadii saxeexa ku sugnayd,  ee Nebi Ibraahim CS, oo isagoo muddo ka maqnaa deegaanka inankiisi Ismaaciil, ayuu berri dambe yimi, waxuu kala kulmay xaaskii inankiisa iyadoon garanayn, wuu wareystay, way calaacashay gabadhii noloshayadu waa mid liidata? Wuu noqday Nebi Ibraahim, oo gabadhii ku yidhi ‘Igu salaam Ismaaciil, oo Albaabka fiyaaradiisa bedel ku dheh! Markii ay fariintii u sheegtay Ismaaciil waxuu ku yidhi ‘Waad furan tahay gabadhiisi? Mar dambe oo Nebi Ibraahim soo noqday ayuu gabadhii dambe wareystay, erey bishaaro ah ayey u sheegtay, waxuu yidhi igu salaam Ismaaciil, una sheeg ‘Albaabka fiyaaradiisa deyso’ markaa ereyada xunxun inay qoysaska iyo reeraha kala eryi karaan ogaada.

Ilaahay SW munaafiqiinta waxuu ku gaaleeyey ereyo ay ku dhawaaqeen, intay Nebiga SCW iyo asxaabta wax ka sheegeen, kuna tilmaameen fulaynimmo iyo cir-weynaan? Ayuu nin Saxaabi maqlayey Nebiga SCW u sheegay, markii la weydiiyey sababta ay hadalka ugu hadleen waxay ku jawaabeen ‘waan kaftamaynay’ oo dhab ma ahayn. Ilaahay SW ayaa quraan ku soo dejiyey Nebiga SCW  “Waxaad tidhaahdaa ma Ilaahay SW, Rasuulkiisa CSW iyo Aayaadkiisa ayaad ku ciyaarayseen, waxba ha cudur-daaraninna, waad gaalowdeen,”

Ereygu waxuu noqon karaa mid qofku ku badbaado ama ku halaagsamo. Nin reer miyi ah ayuu Nebigu SCW soo booqday isagoo xanuunsanaya, oo ku yidhi ‘hebelow iska waran, belaayo majirto, Ilaahay SW dembi-dhaaf ha kaaga dhigo’ ninkii intii kuma joogine waxuu yidhi ‘ waa xumad kulul oo odey weyn heshay, oo qubuuraha geyn doonta’ ereyga adag ayuu ku jawaabay, markaa ayuu Nebigu SCW yidhi ‘haye, haddaba’ sidii ayuu ku dhintay.

Qiso kale oo xilliyadii dhexe dhacay, nin Kheyre la odhan jiray, oo ereyga kheyr hal-hays u lahaa, wax kastoo loo sheego kheyr Idam Alle odhan jiray, ayaa maalin dambe caruurtiisi u sheegeen in dameerkoodi la dhacay, ‘kheyr Insha alaah’ ayuu yidhi, haddana laba habeen ka dib ayaa la yidhi, eygii reerka ilaalin jirayna waa la dilay, marka ayuu ku jawaabay ‘kheyr Insha alaah’, habeenkii saddexaad waxa loo sheegay in digaagadii la cunay, sidii oo kale ayuu ku jawaabay ‘kheyr Insha Alaah’ muddo ka dib col baa reerahii deegaankii kheyre ku soo duulay? Iyagoo soo dhegeysanayey reeraha dameer, ey iyo digaagad ka ciyeysay? Reerkii kheyre sidii ayey ku nabadgaleen, hadalkii wanaagsanaa ee kheyr faa’iidadeedii ayuu helay.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in ereyga wanaagsan uu Ilaahay SW aqbalo, oo xagiisa gaadho, sida quraanka inoogu sheegay “Xagiisa ayuu ereyga wanaagsani gaadhaa, camalka wanaagsana wuu idiinka aqbalaa’. Quraanku waxuu tilmaamay in ereyga wanaagsan xidido, laamo iyo midho laga goosto leeyahay, sida tusaale Ilaahay SW inoogu sheegay quraanka, “Ereyga wanaagsan waxuu la mid yahay geed wanaagsan, oo xidido dhaadheer dhulka ugu jiraan, laamahiisuna sare u kaceen, Ilaahay SW idamkiisana midho laga cuno ayuu soo saarayaa markasta.”

Ereyga wanaagsan sida uu geed midho laga cuno u noqdo ayuu sidoo kale ereyga wanaagsannina quluubta dadka u gaadhaa oo saamayn ugu yeeshaa, qanciyaa, oo soo jeediyaa, waa furaha quluubta. Ereyadda fiicfiican ee islaamku inoo dhigay inaan ku dhaqanaa waa muhiim. hadalka wanaagsan anfac aduunyo iyo ajar aakhiro ayaa laga helayo.

Marka la kulmo ama la kala tegayo ‘Assalaamu calaykum ayaa la inoo jideeyey, marka caruuska loo yimaado ‘Baarakalaahu, wa baaraka calaykum… booqashada qofka xanuusanaya ‘Belaayo kuma haysato, dhib ma jiro, Insha Alaah, dembi dhaaf Ilaahay SW ha kaaga dhigo..marka dhibaato dhacdo ee dadka qaar qayliyaan quraanku waxuu inna baray inaan nidhaahno ‘Inaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun..marka shey ku cajab geliya aragto, intaad cawryi ama xaasidi lahayd waxaad odhan ‘Maashaalaah.. hadaad Ilaahay SW nimco ka hesho ha dafirine, dheh ‘Alxamdulillah..hadii samo-fal laguu sameeyo, ku dheh ‘Jazaakalaah… Nebigu SCW waxuu yidhi qofka ku yidhaahda Jazaakalaah, qof u samo-falay, ducadii wuu ku xeel-dheeraaday. Sidoo kale ‘shukran.. waad odhan karaa, sidii Nebigu SCW u sheegay “Qofkaan dadka u mahadcelin, Ilaahay SW uma mahadceliyo” hadaad qof khalad ka gasho “Raali ahow..waan kaa raaligelinayaa gefkaa.. waa hadalka in badan dadka loogu taag waayey, laba dawladood is qabsaday , laba qabiil ama laba qof oo isku dhimaya, way qaboojinaysaa. Ilaahay SW dhamaanteen ha inna waafajiyee qowlka wanaagsan ku hadalkiisa, aamiin.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS