“Ha Daar Daarin Waa Gob Eh”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ha Daar Daarin Waa Gob Eh”Siyaasi Cali Guray.
July 14, 2021 - Written by Editor:

Maan Garan waxa uu war uga dhigay Arabsiyo News (xogo laga helay lacago Barkhad looga soo diray Muqdisho) oo sheegay in Wasiir Khadiijo oo ka tirsan Dawladda  Muqdisho ay baabuur iyo lacag u soo dirtay Xildhibaan Barkhad Batuun. Marka hore intii ogi way og yihiin oo guusha Xildhibaan Barkhad inta ay ka farxisay maaha dadka Soomaaliland jooga oo keliya ee waxay si gaar ah uga  wada farxisay dad tiro badan oo soomaali cid kastaba leh kuna kala nool dunida daafaheeda oo dhan. Dadkaas oo dhan waxa keliya ee wada kulmiyay waxay ka soo wada horjeedaan dhaqanka xun ee HAYBSOOCA waxanay halgan ugu wada jiraan sidii maalin maalmaha ka mid ah dhaqan xumada haybsoocu  uga suuli lahayd dhulka soomaalida oo dhan.

Sidaa daraadeed anigoo la dareen ah Wasiir Khadiija waxan leeyahay iyada iyo cid kasta oo u hiilisay Xildhibaan Barkhad waa ku wada mahadsan tihiin hiil iyo hoo qofba wixii uu taray geesiga quudhsi diidka ah ee Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

COMMENTS
LINKS