Dawlada Jabuuti Oo Shaacisay Qorshe Ay ku Iibineyso Saami Kamid Ah Shirkadeeda Isgaadhsiinta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Shaacisay Qorshe Ay ku Iibineyso Saami Kamid Ah Shirkadeeda Isgaadhsiinta!
July 12, 2021 - Written by Editor:

Jabuuti(W,N)-Dawlada Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaacisay qorshe ay saami kamid ah shirkadeeda isgaadhsiinta uga iibineyso shirkado gaar loo leeyahay si shirkadda isgaadhsiinta ee dowladda loo horumariyo isla markaana wax looga baddalo maamulka shirkaddaas.

Waxaana tallaabadan looga golleeyahay in lagu dhaqaaqo iskaashi dhanka istaraatiijiyadda oo saami looga iibinaya shirkadaha gaarka loo leeyahay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci hagayaa sida saamiga kamid ah shirkadda loo iibinayo.

Jabuuti waxa ay dakhli badan ka heshaa waddammada shisheeye ee saldhigyada millateri ku leh iyo dekeddaha ku yaalla halkaas.

COMMENTS
LINKS