Dawlada Itoobiya Oo Sheegtay Inay Fashilisay Xubno Katirsan Alshabaab Oo Isku-dayay Inay Gudaha U Galaan Dalkooda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Sheegtay Inay Fashilisay Xubno Katirsan Alshabaab Oo Isku-dayay Inay Gudaha U Galaan Dalkooda!
July 31, 2021 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska isgaadhsiinta ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in horraantii toddobaadkan la qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hal qof oo la tuhunsan yahay ayaa ku dhintay is -rasaaseyn, halka eedaysanaha kale uu dhaawacmay kaddibna gacanta lagu dhigay, sida lagu sheegay bayaanka.

Bishii January, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in la xidhay tobanaan qof oo looga shakisan yahay xagjirnimada oo lala xidhiidhinayo Al-Shabab.

COMMENTS
LINKS