DAAWO;-Waalidiinta Dhalinyaradii Loo Xidh Xidhay Calanka Somaliya Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Boorama Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Waalidiinta Dhalinyaradii Loo Xidh Xidhay Calanka Somaliya Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Boorama Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada!
July 17, 2021 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Waalidiinta dhalay dhalinyaradii loo xidh xidhay calanka somaliya oo ay lasoo baxeen magaalada boorama ayaa kulan ku yeeshay xarunta gobolka ee magaalada boorama kaasi oo lagaga hadlayay sidii loo siidayn lahaa dhalinyrada iyagoo codsi udiray madaxwaynaha somalland.

Kulan oo ay soo qaban qaabisay dalada Nagaad ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xukuumada iyo maamulka gobolka awdal looga codsan lahaa in lasoo daayo dhalinyarada.

Sidoo kale waalidiinta ayaa sheegay in ay qaadayaan damaanada caruurtoodan sidii aanay dib ugu kici lahayn falkan kazoo horjeeda qarannimada Somaliland.

Dhanka kale maayarka boorama ayaa ka hadlay kulan ay waalidiinta dhalinyaradii calanka somaliya lagu xidh xidhay ku dalbanayeen in xariyadooda loosoo celiyo

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS