DAAWO;-Maayarka Gabiley Oo Soo Bandhigay Qorshayaasha Horumarineed Ee Uqorshaysan Golaha Deegaanka Iyo Kuwo Ay Hirgaliyeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maayarka Gabiley Oo Soo Bandhigay Qorshayaasha Horumarineed Ee Uqorshaysan Golaha Deegaanka Iyo Kuwo Ay Hirgaliyeen!
July 25, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo marti ku ahaa carwada bandhiga buugaagta Hargaysa ayaa ka waxbixiyay qorshayaasha horumarineed ee Golaha deegaanka Gabiley Uqorshayn in ay ka fuliyaan gobolka iyo kuwo ay hirgaliyeen mudadii uu hogaaminayay golihii Deegaanka Ee Hore.

Maayarka Maxamed Amiin ayaa soo bandhigay qorshaha Horumarineed ee ay doonayaan in ay gabiley ka fuliyaan haday Tahay kuwo lagu horumarinayo bulshada danyarta ah ee Gabiley iyo kuwo magaalada gabiley ay ka hirgaliyeen sida goobo lagu nasto, park gaadiidka waxbarashada ,hanaanka isla xisaabtanka dakhliga dawlada hoose ee bulshadu u ogaan lahayd waxyaabaha ay ku baxdo miisaaniyadu.

Sidoo kale maayarka gabiley ayaa ka waramay waxyaabaha ay ka qabanayaan adeegyada caafimaad sida xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka lambaro ay usamaynayaa xarumaha caafimaad ee gargaarka deg deg ah si bulshadu uhesho gargaar deg deg ah hadii uu dhaco shil gaadhi oo kale.

Dhanka kale maayarka magaalada gabiley ayaa ka warbixiyay qorshe lagu horumarinayo xirfada bulshada ee farsamada gacanta oo ay hada hirgaliyeen dugsigii farsamada gacanta kuna hawlan yihiin sidii loo qalabayn lahaa,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS