Ciidanka Booliska Magaalada Adis Ababa Oo Xidh Xidhay Dad Kor Udhaafaya 320 Qof Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Magaalada Adis Ababa Oo Xidh Xidhay Dad Kor Udhaafaya 320 Qof Iyo Sobobta!
July 19, 2021 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Ciidanka booliiska magaalada Addis Ababa, ayaa ku dhawaaqey iney xidheen in ka badan 320 qof.

Dadkan la xidh xidhay ayaa lagu eedeeyey iney ka wadeen magaalada hawl gal la xidhiidha TPLF, iyadoo la qabtey hub aad u tiro badan.

Weapons looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp are displayed during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. REUTERS/Feisal Omar

Madaxa booliiska Addis Ababa, Getu Argaw, ayaa ku sheegay bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada, in dadka la xidhey ay fal dambigeed gacmaha kula jireen markii lasoo qabqabtey, haatanna uu baadhitaan ku socdo.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya iney jiraan dad kaloo la xirey, kuwaasoo su’aalo laga weeydiinayo sababta ay uggu xadgudbeen calanka Itoobiya, mar ay ku sugnaayeen goobaha lagu caweeyo iyo madadaalada.

Dhanka kale Xidhitaanka dadka waxaa raacsan in booliiska ay gacanta ku dhigeen hub fara badan, sida uu sheegay madaxa booliiska.

Intii lagu guda jirey hawlgalkii dadka badan lagu soo qabqabtay, ayaa booliiska waxey baadhitaan ku sameeyeen 793 dukaan, goobo lagu caweeyo, huteello iyo xarumo ganacsi oo kale, ku waasi oo sida ay sheegeen booliska lagu tuhmay iney halis ku yihiin ammaanka Itoobiya.

 

 

COMMENTS
LINKS