Boqortooyada Sacuudiga Oo Bilowday Qorshe Ay Tartan Adag Kula Galayso Imaaraadka Iyo Qatar! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sacuudiga Oo Bilowday Qorshe Ay Tartan Adag Kula Galayso Imaaraadka Iyo Qatar!
July 4, 2021 - Written by Editor:

Riyadh(W,N)-Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheyneysa inay sameysato shirkad cusub oo dhanka duulimaadka ah, waxayna tartan dhanka suuqa duulimaadyada caalamiga ah la geli doontaa shirkadaha duulimaadyada ee ay leeyihiin dowladaha Gacanka Cadmeed ee The Emirates iyo Qatar Airways.

Tallaabada ay qaadeyso dowladda Sucuudigu ayaa tartan ganacsi oo dhanka suuqa duulimaadyada ah dhex dhigi doonta seddaxdaan dowladood ee Carabta ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, ayaa dabada ka riixaya qorshahaan ay miisaaniyadda badan ku baxayso, waxayna Sucuudigu ku tashanayaan dhaqaalaha badan ee uga soo xarooda shidaalkooda.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa haatan werwer xoog leh ku abuureysaa dowladaha Imaaraadka iyo Qatar, maadaama ay Sacuudigu ay qorsheynayaan inay noqdaan marinka shanaad ee adduunka ugu weyn dhanka duulimaadka hawada.

Diyaaradda cusub ee ay sameysaneyso Boqortooyada Sucuudigu waxay sarre u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkeeda iyo inuu Sacuudigu noqdo marin caalami ah (International routes) oo dhanka Gacanka Cadmeed ah.

Wasaaradda Gaadiidka Boqortooyada Sacuudiga ayaan illaa hadda soo saarin qorsheyaal faah-faahsan oo ku saabsan diyaaraddaan cusub ee ay sameysaneyso. codsigooda.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hore u laheyd shirkad duulimaad oo yar oo ka shaqeysa gudaha dalkeeda waana Flyadeal, diyaaraddaas ayaa inta badan waxay sameyn jirtay duulimaadyada bar-ka-barta ah (Point-to-point flights) ee loogu adeego shacabka Sacuudiga oo dhan 35 milyan.

Balse, haatan Sacuudigu wuxuu ballaadhin doona adeegyadiisa duulimaad si uu uga mid noqdo dalalka ugu badan ee ay soo maraan duulimaadyada caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, waxayna midaasi walaac hore ku abuureysa ku abuureysaa shirkadaha The Emirates iyo Qatar Airways.

Riyadh waxay durba u dhaqaaqday inay la tartanto Imaaraadka oo ah wadanka ganacsiga iyo dalxiiska ee Gobolka, waxayna Sacuudiga sheegtay in laga bilaabo sannadka 2024-ka ay joojineyso qandaraaska ay siiso shirkadaha aan xarunta ugu weyn ku laheyn gudaha boqortooyada.

“Tartanka ganacsiga ee dhinaca duulimaadka had iyo jeer wuxuu ahaa mid aad u xun, haddana wuxuu u muuqdaa inuu kasii dari doono, waxaa soo dhow jahwareer ku saabsan xiriirka Gobolka,” ayuu yidhi Robert Mogielnicki, oo ah aqoonyahan wax ka dhigo Machadka Arab Gulf States Institute ay

Dubai, oo ah xarunta ugu weyn adduunka ee safarka duulimaadyada ayaa ku dhawaaqday qorshe shan sano ah oo lagu kobcinayo boqolkiiba 50% duulimaadyada iyo marinnada maraakiibta iyo sidoo kale in la laban-laabo awoodda dalxiiska labaatanka sano ee soo socota.

Amiir Maxamed wuxuu isku dayayaa inuu soo jiito Ra’simaalka shisheeye si uu u abuuro warshado cusub oo ay ka mid yihiin dalxiiska, wuxuuna hamigiisa yahay inuu kordhiyo guud ahaan dalxiisayaasha lana gaarsiiyo 100 milyan sanadka 2030 halka ay ka aheyd 40 milyan sanadkii 2019.

“Sacuudi Carabiya waxay awood u leedahay inay horey u sii wado istiraatiijiyadeeda duulimaadka iyo dalxiiska marka kuwa kale ay dib u guranayaan oo ay dib uga laabanayaan,” ayuu yidhi Brendan Sobie oo ah lataliye dhanka duulista ah.

“Waa istiraatiijiyad qatar ah, laakiin sidoo kale macquul ah marka la fiiriyo mowqifkeeda iyo ujeedada guud ee kala duwanaanta.” Ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, shirkad kasta oo diyaaradeed waxay u baahan tahay Ra’isumaal bilow ah, waxayna khubaradu ka digayaan hamiga Sacuudi Carabiya ee ah inay ku tartanto duulimyaadyada transit-ka taas oo ay kala kulmi karto sannado khasaare ah.

Arrintaan ayaa imaneysa iyadoo shirkadda Emirates ay ku dhawaaqday khasaare dhan 5.5 bilyan oo dollar bishii lasoo dhaafay, maadaama uu isku socodka duulimaadyada caalamka saameyn xoogan ku yeeshay feyriska Covid-19.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay shirkadda Emirates ku kabtay adduun dhan 3.1 bilyan oo dollars, si ay u sii wado shaqadeeda duulimaadyada.

COMMENTS
LINKS