Yaan Lagaa Badin: “Keliya Waxa Hadhsan Shir-gudoonkii Golaha Wakiilada”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaan Lagaa Badin: “Keliya Waxa Hadhsan Shir-gudoonkii Golaha Wakiilada”Siyaasi Cali Guray.
June 20, 2021 - Written by Editor:

Hadda doorashadii dawladaha hoose waa dhamaad waana lagu Kala badiyay mar hadii mucaaridku ay ku guulaysteen 5 ka mid Ah degmooyinkii ugu mudnaa ee Grade A kuwaas oo kala ah; Hargeysa, Burco, Boorame, Ceerigaabo iyo Laascaanood, halka xisbul xaakimka Kulmiye uu ku guulaystay labada degmo ee Berbera iyo Gebilay oo labadoodii Gudoomiye ay xejisteen labadoodii kursi. Halkaa iyada waa lagu kala calaf qaaday laba qaydhinka ku qaybsatayna isma cawrido.

Waxa hadhay shir gudoonkii Wakiilada oo laga yaabo in ay ka duwanaan karto sidii ay isu doorteen Golayaasha Degmooyinku oo la odhan karo waxa shaqeeyay xisbinimo. Dhinaca kale gole degmo oo waliba wuxu saamayn ku yeelan karaa uun degaanka degmadiisa balse doorashada wakiiladu waa heer qaran oo dabcan waaba sharci dejintii. Gudoomiyaha la iskuma wada haysto Ee waxa u tartamaya laba shakhsi oo isku raas ah oo mid yahay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Yasiin Faratoon oo xildhibaan Kulmiye ah iyo xildhibaan C/razaaq Khaliif oo WADDANI ah. Hadii tartanku labadooda oo keliya ka dhexayn lahaa laga yaabaa in sidii golayaasha degaamada uu xaalku noqon lahaa oo xisbinimada iyo isbahaysiga mucaaridku door muhiim ah ku yeelan lahaa kala doorashada labada xildhibaan ee u tartamaya jagada guddoomiyaha fursadda badanna waxa markaa yeelan lahaa musharaxa mucaaridka oo laguma wada hadleen. Waxase xaalka sii cakiraya tartanka loogu jiro Gudoomiye xigeenka 1aad iyo 2aad oo iyaga saamaynta xisbinimada ay ka badan tahay ta reernimadu waxana u Tartamaya xildhibaano dhawr ah oo Hadana kala reero ah. Xildhibaan Cumar Jaamac oo gobolka Sanaag ka soo jeeda xisbi Ahaanna ka soo baxay Ucid weliba laga yaabo in uu yahay dhinaca mucaaridka in uu yahay ka ugu lamaan C/razaq Khallf ayaa ka mid ah kuwa loogu hadalhaynta badnaa tan iyo intii ay soo baxday natiijada doorashadu. Xildhibaan Cumar waxa caawinaya reerkiisa oo 19 xildhibaan ay ka soo baxeen marka la isku daro sadexda xisbi lagana yaabo in aanay ku kala baydhin ugu dambaysta hadii uu noqdo ka keliya ee ka tartamaya reerkiisa. Musharixiinta shaaciyay in ay u tartamayaan labada ku xigeen tiraba waa dhawr kala xisbiyo iyo kala reero ah. Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhinaca Kulmiye xisbi ahaan ayaan ilaa hadda la ogayn marka laga tago Gudoomiyaha oo Yaasiin Fartoon oo keligii dhinaca Kulmiye u tartamaya Xildhibaanada uu xisbigu u wado labada ku xigeen. Kulmiye tirada xildhibaanada uu ku leeyahay Golaha Wakiiladu waxay dhan yihiin 30 xubnood halka mucaaridkuna ay isku leeyihiin 52 xildhibaan oo 31 ay WADDANI yihiin 21ka kalena ay Ucid yihiin.

Hadaba xildhibaanada ka soo kala baxay Kulmiye iyo WADDANI waxa laga yaabaa in wax badan aanay kala xodxodan karin ee kuwa uu Kulmiyaha quud daraynayo ee uu doonayo in uu soo leexsado ugu yaraan 12 xildhibaan oo ka mid ah WADDANI iyo ucidna ku dagaalamayaan sidii aan looga faromaroojiyeen waxa ugu badan xildhibaanada ucid. Arinkana ilaa hadda lama saadaalin karo gees la isula dhici doono.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(cali guray)

COMMENTS
LINKS