Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadani Iyo Ucid Oo Go,aamiyay Maayarka Iyo Maayar Kuxigeenka Degmada Burco Cida Noqonaysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadani Iyo Ucid Oo Go,aamiyay Maayarka Iyo Maayar Kuxigeenka Degmada Burco Cida Noqonaysa!
June 11, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Kulan ay caawa isugu yimaadeen xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID oo Isbahaystay sidii ay shir gudoonka golaha wakiilada iyo maayarada dalka ugu guulaysan lahaayeen ayaa  go,aamiyey cida noqonaysa maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada BURCO.

Kulankan ayay mucaaridku ku go,aamiyeen in maayarka iyo kuxigeenka burco la siiyo xisbiga UCID.

Waxaana loo xulay

1-Maayarka BURCO Cabdirisaaq ibraahim cabdi  Cabdirisaaq Hero

2-Maayar ku xigeenka Burco Dr Mukhtar Abdi Maxamud (Baaryare).

 

COMMENTS
LINKS