Waxa Aan Is leeyahay Waxa La Gaadhay Xiligii Dadka Gobolka Geeska Africa Dib U Habeyn Ku Sameyn Lahaa Aragtida Siyaasadeed Ee Mustaqbalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxa Aan Is leeyahay Waxa La Gaadhay Xiligii Dadka Gobolka Geeska Africa Dib U Habeyn Ku Sameyn Lahaa Aragtida Siyaasadeed Ee Mustaqbalka!
June 28, 2021 - Written by Editor:

U fiirso hadal jeedinta munaasibadaha ay ka  jeediyaan madaxda gobolkani , dhamaan waxa ay ku fadhidaa taariikhda oo qofwaliba halka uu u arko maalintaasi in ay siyaasadiisa ku quman tahay uula maro sababta oo ah waxa ayaan daro ah in aanay jirin taariikh qoran oo lagu heshiis yahay.

Hadiiba ay sidani jirto waxa ugu muhiimsan ee looga dan leeyahay waa in laga dhigto afkaar siyaasadeed ( political ideology ) umadda lagu hogaamiyo si ay xayndaab ugu noqoto inta markaa umada hogaaminaysaa sida ay wax u arkaan iyo halka ay wax ka eegayaan ( point of view ) oo ah meesha lagu kala duwan yahay.

Markaa bal waxa aad isweydiisaa umad ku muransan taariikh aanay nooleyn oo lixdan sano iyo boqol sano ka hor ahi miyey ku heshiin kartaa xiliga la nool yahay wadciga taagan iyo hiigsiga mustaqbalka oo ah labada u muhiimka ah umadda maanta nool, waxa kaliya ee taariikhda hore muhiimada u leedahay waa hal qodob oo ah ; 1- hadii taariikhda wax looga kordhinayona dadka hada nool in ay noqoto mid hadimada iyo dhibaatadii soo dhacday aanay mar dambe ku dhicin gobolka iyo dadkiisa.

HADDA MAXAA INALA GUDBOON OO DAN INOO AH UMMAD AHAAN ;

Maanta oo aynu noolahay waxa muhiim inoo ah in aynu horseed u noqono in dadka gobolkani lagu mideyn karo aragti siyaasadeed oo horumar iyo wax wada qabsi ah si aynu aduunka wax ula qabsan karno oo dadkeenana hiigsigooga mustaqbalku u noqdo mid wanaagsan.

Gobolka geeska Africa waxa uu ka mid yahay

1- Gobolada aduunka dadka ugu badani ka tahriibaan iyaga oo nolol raadinaya oo ka cararaya faqri iyo gaajo.

2-Gobolada dadka ugu badani colaadaha qabaailka iyo qoomiyadaha ka dhexeeya ay barakiciyaan malaayiin dad ah.

3-Gobolada hoyga u ah argagixisada oo dhibaato weyn ku haysa nolosha binu adamka kaasi oo sababa dhimasho , dhaawac ,qax iyo barakac joogto ah.

4-Gobolada dawlad xumada ka jirtaa sababto galaafasho joogto ah oo nolol binu adam, barakac iyo dagaalo ujeedo siyaasiya u galaafta malaayiin aan waxba galabsan.

Si dhibaatooyinkani loo yareeyo, umada gobolkani loo walaaleeyo,  looga gudbo caqabadaha hortaagan horumarka iyo sidii looga faaiideysan lahaa khayraadka gobolku leeyahay kama fursanayso in la helo hogaamiyeyaal da’yar oo ka caafimaad qaba wax badan oo dadka gobolkani dib u riday.

Waxa ay iila muuqataa in la gaadhay xiligii dadka mandaqada Bariga Africa ay ku midoobi lahaayeen iskaashiga horumarka iyo yareynta khataraha kaga imanaya dhibaatooyinka aan soo xusnay,  si aynaan ugu jirin xayndaab qufulan oo dadkeena dib u dhac iyo dagaalo joogto ah ku haya.

Waxa maanta aduunka oo dhan la isla qirsan yahay in aadamuhuhu si waliba oo uu kala dawlado yahay,  u kala diimo yahay,  u kala aragti duwan yihiin in aan haddana la kala maarmayn oo marba marka ka dambaysa baahida dadka aduunku isku qabaan ay sii kordhayso, xidhiidhkoogu sii balaadhanayo arimahani waxa ay inagu qasbayaan in aragtideena siyaasiga ah ee mustaqbalka dib u habeyn lagu sameeyo .

YAYNU KA SUGEYNAA IN AY XAGA WANAAGSAN INOO HOGAAMIYAAN ?

Marka aad qoraalkan akhrisatay waxa markiiba kugu soo dhacaysa dadka lala hadlayaa waa ayo ? Ma siyaasiyiintaa , ma shacbigaa, ma aqoonyahankaa ? Jawaabteedu kaama foga adiga ayey kaa bilaabmaysaa in aad wax ka badesho sida aad wax u arkeyso iyo halka aad wax ka eegayso, sababta oo ah inta aynu sheegnayba waxa ay ka mid yihiin dadka.

Waxa aan xasuustaa xiligii Jamhuuriyada Somaliland laga hirgalinayey hanaanka ururada siyaasadeed iyo axsaabta badan ayaa Madaxwayne Maxamed Ibraahim Cigaal dar-daarankii uu dadka Somaliland siinayey ay ku jirtay; dadku hadaanu noqon dad soo jeeda oo garaadkooga siyaasiga ahi aanu noqon mid bisil qofwaliba oo idin horyimaadaa anigana ha noqote e waxa uu idin odhan doonaa aniga ayaa waxwalba idiin qabanaya , laakiin mid baan idiin balan qaadayaa aniga iyo inta ila socota hadii aad fursada na siisaan is odhan mayno dadkani waa idiin dihin yahay e ka faaiideysta.

Waxa aan is leeyahay wax badan oo ka dambeeyey waa loo soo wada joogey 21 sanadood oo xiligaasi ka soo wareegtayna dadka jamhuuriyada somaliland wax badan ayey barteen, laakiin maanta hiigsigeenu waa sidii aynu gobolka Geeska Africa wax uga badali lahayn , dadkiisa wax ula qabsan lahayn,  dadka gobolku guud ahaan xaga horumarka isugu kaashan lahaa wax waliba oo caqabad ku ahna aynu uga hortagi lahayn.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

 

COMMENTS
LINKS