Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Hada Shir Iskugu Yeedhay Musharixiinta Golaha Deegaanka Gabiley Uga Sharaxan Xisbiga Kulmiye Iyo Dareennada Ku Xeeran! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Hada Shir Iskugu Yeedhay Musharixiinta Golaha Deegaanka Gabiley Uga Sharaxan Xisbiga Kulmiye Iyo Dareennada Ku Xeeran!
June 1, 2021 - Written by Editor:

Muxuu Daaran Yahay Shirka Uu Wasiir Cabdiwali Hada Kula Jiro Musharixiinta Kisbiga kulmiye Uga Sharaxan Golaha Deegaanka Gabiley,Xili komishanka  laga sugayo natiijada doorashada?

GABILEY(W,N)-Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo  Technolajiada somaliland Dr Cabdiwaali Sheekh Cabdilaahi Suufi oo uu weheliyo Badhasaabka Gobolka Gabiley Iyo masuulyiinta xisbiga kulmiye ee Gobolka gabiley ayaa hada waxa uu shir uga socdaan xafiiska badhasaabka gobolka gabiley kaasi oo ay goob joog ka yihiin 13 musharax ee kulmiye uga sharaxan golaha deegaanka gabiley iyo Qaarkamid ah musharixiinta golaha wakiilada ee xisbga kulmiye uga Sharaxan Gobolka maroodi jeex deegaan ahaan kazoo jeeda gabiley kuwaasi oo uu hada shir uga socdo xafiiska badhasaabka gabiley.

Sidoo kale shirkan aan ujeedadiisa la sheegin ee  wasiir cabdi wali uqabtay mushirixiinta kulmiye ayaa waxaa iyana loogu yeedhay oo goobta ku sugan muraaqibiintii xisbiga kulmiye ujoogay goobaha codbixinta ee gobolka gabiley kuwaasi oo sida xogaha laga helayo shirkani ay sheegeen in laga qorayo codadkii ay musharixiintu ka heleen goobaha codbixinta.

Xogaha laga helayo shirkan uu wasiir cabdiwali kula jiro musharixiinta xisbiga kulmiye ee golaha deegaanka gabiley ayaa sheegaya in agaasinkiisu uu lahaa wasiirku islamarkaana aan la garanayan sobobta keentay in xukuumadu soo dhex gasho shaqadii ay komishanka doorashooyinku gacanta ku hayeen oo iyagu awood uleh shaacin codadka ay heleen musharixiinta xisbiyadu kuwo soo baxay iyo kuwa hadhayba.

Dhanka kale shirkan wasiir cabdiwali soo qaban qaabiyay ee hada ka socda xafiiska badhasaabka oo ay hor tuban yihiin boqolaal kamid shacabka gabiley oo u dhagtaaya waxa kazoo baxa iyo natiijada ay musharixiintu kala soo baxaan gooban oo aan ahayn xafiiskii komishanka doorashooyinka ee degmada oo isagu hada ku guda jira tirinta codadka oo la filayo in maalinta bari ah ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah

Isku soo wada duub oo shirka wasiirka wasaarada isgaadhsiintu Uu iskugu yeedhay musharixiinta golaha deegaanka iyo qaarkamid ah musharixiinta  wakiilada reer gabiley ayaa noqday mid dareeno kala duwan ku abuuray  bulshada reer gabiley kaasi oo laga cabsi qabo in ay kazoo baxaan arimo lidku ku ah dhawaaqa kazoo bixi doono komishanka doorashooyinka iyadoo ka hor musharixiinta xisbiga kulmiye ee golaha deegaanka gabiley ay heli doonaan natiijada codadkii ay ka heleen goobaha codbixinta ee gobolka oo aanu awood ulahay in uu wasiir faro galiyo shaqada komishanka doorashooyinka .

 

halka wararka qaar ay sheegayaan in sobobta wasiir cabdi wali shirkan uqabtay ay tahay sidii wax laysku daba marin lahaa ismarkaana ay ku faliftay markii wararkii hordhaca ahaa ee kazoo baxay goobaha codbixinta uu gabi ahaanba ka waayay musharixiintii uu xisbiga kulmiye kazoo sharaxay ee beeshiisa hoose

Wixii kazoo kordha shirka xafiiska badhasaabka gabiley uga socda wasiirka isgaadhsiinta iyo musharixiinta golaha deegaanka degmada gabiley ee xisbiga kulmiye kala soco wararkeena danbe.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

COMMENTS
LINKS