|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Taiwan Oo Khadka Telefoonka Kula Soo Xidhiidhay Madaxwaynaha Jsl Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
June 7, 2021 - Written by Editor:TAIWAN(W,N)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu kulan Dhinaca khadka Telefoonka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Wasiir Joseph Wu iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka wada hadlay doorashadii Golaha Wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland oo 31 bishii la soo dhaafay ee May ka dhacday deegaanada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa Muuse Biixi ugu hambalyeeyay qaabka ay u dhacday doorashada, isla markaana balan qaaday Wasiirka inay si dhow ula shaqeyn doonaan Madaxda Somaliland, ayna ka taageeri doonaan dhinacyo kala duwan. Dawlada Taiwan ayaa 2 Milyan oo doollar ay ku taageertay doorashadii Somaliland, isla markaana waxaa xusid mudan inay ku wareejiyeen qalabka loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System. Si kastaba Taiwan iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo dhinacyo kala duwan u saleysan, waxaana Taiwan ay Xarun safaarad ku leedahay gudaha Magaalada Hargeysa Related posts:Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Mawqifkiisa Suldaan Wabar Iyo Musharaxnimada Xis... Warbixin Laga Diyaariyay Dhismaha Wadada Kalabaydh Iyo Wajaale Iyo Khasaare Nafeed Ee Ay Sobobeen Is... Waa Gaf Wayn In Bulshada Gobolka Gabiley Mar Labaad U Garbo Duubnaato Qorshaha kulmiye Ee Salka Ku ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|