Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dilka Ka Dhacay Magaalada Wajaale Oo Sobobay Gadood Ay Sameeyeen Shacabka Iyo Ehelada Marxuumku! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dilka Ka Dhacay Magaalada Wajaale Oo Sobobay Gadood Ay Sameeyeen Shacabka Iyo Ehelada Marxuumku!
June 22, 2021 - Written by Editor:

Marxuumkii Lagu Dilay Magaalada Wajaale Laba maalmood ka ka hor Oo Caawa La Aasay Kadib Markii Heshiish Dhexmaray Labadii Dhinac!

TOG WAJAALE(W,N)-20/06/2021 ee bishan ayaa waxaa magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ka dhacay Dil fool xun kadib Markii nin gaadhi watay uu si badheedh ah ujeedhay marxuum Mukhtaar jaamac oo Halkaasi ku geeriyooday.

dadwayne ka gadoodsan dilkan marxuumka ayaa maalintii dilku dhacay iyo maanta Magaalada wajaale ka sameeyay mudo haraad ay kaga soo horjeedaan dilkaasi islamarkaana ay ku dalbadeen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha dilka haysa oo xabsi loo taxaabay kuwaasi oo mudadii ay mdo haraadka dhigayeen khasaare soo gaadhsiiyay meherado ganacsi oo ku yaala gudaha magaalada wajaale iyadoo ciidamada amaanka ee wajaale ay la tacaaleen sidii loo xamayn lahaa rabshadaha ayna ukala eryi lahaayeen dadwaynaha banana baxa dhigayay.

Sidoo kale maamulka gobolka gabiley ayaa qayb laxaadle ka qaatay sidii loo damin lahaa rabshadahan islamarkaana ay is afgarad uga gaadhi lahaayeen labada dhinac ee ay kazoo kalajeedaan marxuumka geeriyooday iyo gacan ku dhiiglaha dilka gaystay.

Dhanka kale Odoyaasha Marxuumka geeriyooday iyo odoyaasha uu kasoo jeedo ninka dilka gaystay ayaa heshiish ka gaadhay dhacdadan iyagoo isla qaatay in deg deg loo mariyo sharciga islamarkaana loo qisaaso.

Marxuumka oo maalintii sedexaad maykiisu yaalay ayaa layla gartay in caawa la aaso iyadoo lagu aasay magaalada wajaale

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

 

COMMENTS
LINKS