|
|||||
WAJAALE NEWS
Wales Online Oo Warbixin Kaga Faallooday Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinkii Somaliland ka Qabsoomay
June 12, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)- Warsidaha Wales Online ayaa qoray in Doorashooyinka ka qabsoomay Somaliland ay kaga rajaynayso beesha caalamka inay aqoonsadaan madax-bannaanidooda. Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay Warbixinta Wales Online oo sheegtay in 8000 oo muwadiniin reer Wales ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ay si weyn ula socdeen doorashooyinkii ka qabsoomay dalkooda hooyo. Warsiduhu wuxuu sheegay in doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Dawladaha hoose ee dalku ay toddobaadkii hore a qabsoomeen Somaliland oo soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ku naaloonaysay madax-bannaani aan aqoonsi haysan. Wales Online wuxuu intaas ku daray in cilaaqaad xoog leh oo dhinaca taariikhda ahi uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Wales, kaasi oo soo taxnaa ilaa Qarnigii 19-aad xiligaas oo dekedda Cardiff ay ahayd meesha ugu weyn ee loo dhoofiyo dhuxusha isla markaana badmaaxeyaasha Somaliland ay soo la socdeen Maraakiibta Ingiriiska. Waxa kaloo uu weriyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay qoomamaynayso midowgii ay la gashay Soomaaliya oo ay dib ugala soo noqotay madax-bannaanidoodii 1991kii. Wales Online wuxuu ku tilmaamay Somaliland dal nabdoonaa oo dimuqraadiyad shaqeynaysay ka jirtay illaa 1991kii, waxaanu xusay inay Somaliland tahay meesha madaxweyneyaasheeda marka laga guulaysto ay aqbalaan natiijada oo ay awooda ku wareejiyaan si xasiloon. Warsiduhu wuxuu tusaale u soo qaatay in natiijadii la yeedhiyey ee doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Somaliland laga guulaystay xisbul-xaakimkii, waxaanu intaas ku daray in aanay wax rabshado ahi ka dhicin doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay. Waxa kaloo uu sheegay in korjoogto ka socotay Ingiiska iyo 11 dal oo kale oo reer Yurub ahi ay ka qaybgaleen doorashooyinkii Somaliland isla markaana ammaaneen hannaankii doorashadu u dhacday. Iid Axmed Cali oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan Wales ayaa sheegay in doorashooyinku u horseedi doonaan Somaliland aqoonsi ka raagay ee ay u qalanto. Iid Axmed wuxuu sheegay in murrashaxii doorashada Baarlamaanka ugu codka badnaa oo la yidhaahdo Barkhad Jaamac Batuun uu ka soo jeedo beelaha laga tirada badan, taasi ay caddaynayso inay Somaliland jabisay darbigii qabyaaladda. Mr. Iid Axmed wuxuu intaas ku daray inay Somaliland muujisay ilbaxnimo isla markaana ay ka caagan tahay kooxaha Argagixisada. Related posts:Madaxwaynaha Jabuuti Oo Kulan Layeeshay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puthland Iyo Arimaha Ay Ka Wa... Daawo:Madaxda Dhaqanka Iyo Wax Garadka Galbeedka Iyo Woqooyiga Hargaysa Oo Xukuumada Ka Codsaday In ... Mudoharaad Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay oo ka Dhacay Caasimada Jabuuti Dawlada Iyo Mucaaridka Oo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|